Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxaamuud (SIILaanyo) oo la filayay inuu safar ugu baxo  dalka South Afrika, ayaa baaqday, iyadoo qorshuhu ahaa inuu maalinta beri ee sabtida 7 jan, 2012 u ka dhoofo dalka, si uu uga qaybgalo munaasibad  lagu xusayo sanad guuradii

 

boqolaad  ee kasoo wareegtay aasaaskii xisbiga ANC (African National Congress) ee dalka Koonfur Afrika oo la aasaasay  1912. Xuska munaasibadaa oo la qabanayo maalinta Axada todobaadkan.
Ilaa hada ma jiro war rasmi ah oo madaxtooyadu kasoo saartay socdaalka Madaxweynaha iyo inuu baaqday toona, balse warar ay shebekada Araweelonews heshay ayaa sheegaya in safarka madaxweyne Siilaanyo ku beegnaa maalinta Beri ee sabtida. Laakiin uu safarkaasi baaqday, iyadoo aan si cad loo ogayn sababaha uu u baaqday iyo waxa iska bedelay qorshehii  socdaalka Madaxeyne Siilaanyo  doonayay inuu kaga qaybgalo munaasibadaa  lagu xusayo sanad guuradii  boqolaad  ee kasoo wareegtay aasaaskii xisbiga ANC (African National Congress) ee dalka Koonfur Afrika oo la aasaasay  1912.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka mid noqon lahaa boqol kun oo qof oo hogaamiyayaal, dublamaasiyiin,  aqoonyahano  iyo ganacsato caan ah oo lagu marti qaaday munaasibada xuska sanad guurada xisbiga ka taliya dalka south Afrika ee ANC. Balse waxa jira tibaaxo kale oo sheegaya in sababta uu safarka Madaxweyne Siilaanyo u baaqday tahay, kadib markii diyaargarawgii safarka dib u dhac ku yimi, isla markaana  ay soo baxeen hawlo sababay in aanay  suurta gal noqonayn  inuu ka qaybgalo munaasibadaa oo ahayd fursad muhiim ah oo Madaxweynuhu uga faa’idaysan lahaa fursado siyaasadeed iyo inuu la kulmo masuuliyiin mihiim ah oo munaasibadaa ka qaybgelaya.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *