somalimemo.netNairobi (ANN)-Diyaaradaha Dagaalka ee Milateriga Kenya ayaa weeraro duqayn dhinaca cirka ah ku qaaday Garbahaaray oo ka tirsan Gedo iyo meelo kale oo ka tirsan deegaanka oo ka mid ah deegaanada inta baddan ay ka taliyaan xarakada mujaahidiinta Al-shabaab  Ciidamada dalka

 

Kenya ayaa sheegay in kooxda Islaamiga ah ee dalka Soomaaliya u geysteen khasaare balaadhan.
Iyadoo  al-Shabab dhinaceeda sheegtay inay iyagu guulaysanayaan, isla markaana aanay waxba ka jirin sheegashada Kenya.  Afhayeenka ciidamada Colonel Cyrus Oguna ayaa sheegay weerar cirka ah oo maalintii Jimcaha lagu qaaday deegamadaa  ay diyaaradaha Kenya ku dileen ugu yaraan lixdan dagaalyahaniinta al-Shabaab ah,  isla markaana ilaa labaatan ka tirsan maleeshiyada ay ka soo goosteen labadii todobaad ee la soo dhaafay.
Col.  Cyrus Oguna wuxuu sheegay inay Al-shabaab burburayso maadaama ciidamada Kenya weeraro ku hayaan kooxda ka dagaalanta  gudaha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in si xoog leh loo dardargaliyay weerarada lagu hayo Al-shabaab, isla markaana ay muuqdaan astaamo muujinaya inay Al-shabaab burburayso, maadaama ay qaar ka tirsan labadii todobaad ee u danbeeyay isu dhiibeen dhinacooda, balse sheegashada Milateriga Kenya iyo inay guulo ka gaadheen dagaalka ayaan si dhab ah loo ogayn, iyadoo aanay Kenya soo bandhigin waxyaabo cadaymo ah oo muuujinaya guusha ay sheegteen. Kooxda Al-shabaab ayaa dhinaceeda sheeganay guul taa la mid ah tan iyo Octoobartii sanadkii hore 2011, markii ay galeen Somalia ciidamada Kenya, kuwaas oo weeraro kala duwan ku fuliyay deegaamo ka tirsan Koonfurta Somalia, balse weeraraadaa oo ay sheegeen inay ku bartilmaameedsadeen goobo saldhigyo u ah Al-shabaab oo ku yaal Jubada Hoose ayaa waxyeelo kasoo gaadhay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, kuwaas oo ka cararay dagaalada iyo colaadaha ka taagan Somalia ee sababay macaluusha. sidoo kale weeraro maalintii khamiistii diyaaradaha Kenya ka fuliyeen Jubada Hoose ayaa kooxda Al-shabaab sheegtay in lagu laayay dad dhuxulaysato ah.

Dhinaca kale dawladda Britain ayaa uga digay dadkeeda inay booqdaan dalka Kenya. Iyadoo looga cabsiqabo inay ku waxyeeloobaan qaraxyo iyo weeraro ay sheegeen inay kooxaha argagixisadu ka fuliyaan Nairobi.  Sidaana waxa lagu sheegay qoraal digniin ah oo kasoo baxay Xafiiska arrimaha dibedda ee Britian, kaas oo  digniin ku siinaya dadka British-ka ah ee booqanaya Kenya inay jirto khatar weerarro argagixiso.
Xafiiska arrimaha dibedda waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in argagaxisadu ay ku jiraan qeybihii ugu danbeeyay ee weerarada ay qorsheynayaan, isla markaana ay dadka booqanaya ay ka fogaadaan hey’addaha Kenya iyo meelaha ay dadka ajinebiga ah isugu yimaadaan, sida hotelada, goobaha laga dukaameysto iyo xeebaha lagu raaxeeysto.

Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama ayaa qaaday weerarro tan iyo markii ay Kenya soo gashay gudaha Somalia, waxayna dhawr weerar  ku bartilmaameedsadeen Kenya, iyagoo sidoo kale afduubyo ka sameeyay dad dalxiisayaal ah oo laga afduubay xeebaha Kenya.
Dalka Kenya oo dalxiisayaasha reer galbeedku aad u yimaadaan, waxay digniinta Britain saamayn ku yeelanay tirada dadka dalxiiska u taga halkaa, iyadoo   Ilaa hal miyan oo dalxiisayaal ah ay booqdeen  Kenya sanadkii hore 2011, taas oo boqolkiiba toban ka badan sanadkii ka sii horeeyay ee 2010.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *