Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxaamuud (SIILaanyo) oo la filayay inuu safar ugu baxo dalka South Afrika, ayaa baaqday, iyadoo qorshuhu ahaa inuu maalinta beri ee sabtida 7 jan, 2012 u ka dhoofo dalka, si uu uga qaybgalo munaasibad lagu xusayo sanad guuradii
boqolaad ee kasoo wareegtay aasaaskii xisbiga ANC (African National Congress) ee dalka Koonfur Afrika oo la aasaasay 1912. Xuska munaasibadaa oo la qabanayo maalinta Axada todobaadkan.
Ilaa hada ma jiro war rasmi ah oo madaxtooyadu kasoo saartay socdaalka Madaxweynaha iyo inuu baaqday toona, balse warar ay shebekada Araweelonews heshay ayaa sheegaya in safarka madaxweyne Siilaanyo ku beegnaa maalinta Beri ee sabtida. Laakiin uu safarkaasi baaqday, iyadoo aan si cad loo ogayn sababaha uu u baaqday iyo waxa iska bedelay qorshehii socdaalka Madaxeyne Siilaanyo doonayay inuu kaga qaybgalo munaasibadaa lagu xusayo sanad guuradii boqolaad ee kasoo wareegtay aasaaskii xisbiga ANC (African National Congress) ee dalka Koonfur Afrika oo la aasaasay 1912.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka mid noqon lahaa boqol kun oo qof oo hogaamiyayaal, dublamaasiyiin, aqoonyahano iyo ganacsato caan ah oo lagu marti qaaday munaasibada xuska sanad guurada xisbiga ka taliya dalka south Afrika ee ANC. Balse waxa jira tibaaxo kale oo sheegaya in sababta uu safarka Madaxweyne Siilaanyo u baaqday tahay, kadib markii diyaargarawgii safarka dib u dhac ku yimi, isla markaana ay soo baxeen hawlo sababay in aanay suurta gal noqonayn inuu ka qaybgalo munaasibadaa oo ahayd fursad muhiim ah oo Madaxweynuhu uga faa’idaysan lahaa fursado siyaasadeed iyo inuu la kulmo masuuliyiin mihiim ah oo munaasibadaa ka qaybgelaya.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com