Oslo(ANN)Masuuliyiinta Safaaradda Somaliland ee Oslo iyo Jahliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Norway , ayaa si balaadhan usoo dhoweeyay maanta Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland, isla markaana ah
gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Waddani, C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Ciro) oo socdaal booqasho ah ku maraya qaar ka mid ah dalalka Yurub.
Gudoomiye Ciro waxa garoonka diyaaradaha ee Oslo kaga hortegey Safiirka Somaliland ee Norwey Sulub Warsame Xuseen, Saraakiisha xafiiska wakiilka Somaliland ee Norway, Gudoomiyaha Jahliyada Somaliland ee dalkaa Eng. Rashiid iyo qaybo ka mid ah bulshada Somaliland ee ku dhaqan halkaa.
Gudoomiye Cirro, wuxuu jahliyada iyo bulshada Somaliland ee dhaqan Norway oo kusoo dhoweeyay halkaa xog waran ka siiyay ujeedada safarkiisa iyo wadamada uu soo maray intii uu booqashada safarkiisa ku jiray. Sidoo kale wuxuu uga xog waramay xaalada dalka iyo marxalada siyaasadeed ee xiligan, isagoo dhinaca kalena sharaxaad ka bixiyay hawlaha ay qabteen golaha wakiiladda ee uu gudoomiyaha u yahay iyo diyaargarawga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan sanadkan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com