Hargeysa(ANN) Roobab Mahiigaana ayaa shalay si weyn u biyo dhigay magaalada caasimada ah ee Hargeysa iyo deegaamo kale oo ka tirsan, roobkaa ayaa sababay inay gebi ahaanba xidhmaan wadooyinka magaalada ee laamiga ah oo markii horeba ahaa kuwo burbursan, isla maraana
dhagxaan, qashin iyo ciid ayaa xidhay jidadka magaalada hargeysa shalay wax yar ka hor xiligii afurada roob ku dhawaad saacad da’ayay, kaas wadooyinka laamiga kaga tegey qashin iyo dhaxaan.
Hase yeeshee saaka salaadii subax ka dib waaberigii ayaa mar kale roob dhawr saacadood da’ayay magaalada hargeysa, kaas oo daadad kasoo rogmaday sii buuxiyeen dhagxaantii iyo ciida qashinka wadata ee roobkii shalay jidadka kaga tegey, waxaana gebi ahaanba
xidhmay saaqiyadaha loo sameeyay inay biyuhu maraan ee magaalada. Kadib markii qashin buuxuyay, taas oo keentay inuu daadku ku fataho laamiga sidaana dhagxaan iyo qashin kaga tago.
Masuuliyiinta dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa ku guuldaraysatay inay maarayso wadooyinka xidhmay ee qashinka dhagxaanta iyo ciidu buuxisay, taas oo ka sokow kala xidhnaanta iyo bilic xumada wadooyinka muuqaalkoodu is bedelay ay ka dhalan karaan qashinkaa xaalado caafimaad daro oo halis ku ah nolosha bulshada. Roobabka sidan oo kale ayaa fashiliya adeega qashin ururinta ee golaha deegaanka hargeysi u hayo bulshada, iyadoo mar kasta oo roobab ka da’aan magaalada hargeysa ay xidhmaan jiadadka laamiga oo gaadiidka iyo dadka aanu midna mari Karin, isla markaana daadka kasoo fataha biyo mareenada xidhmay soo maro shaaracyada wadooyinka magaalada.
Dhinaca kale roob sidan oo kale ah ayaa xalay ka da’ay magaalada xeebta ku taal ee Berbera, balse ma jiraan warar sheegaya wax khasaare ah oo uu geystay, iyadoo deegaamada Hawdka iyo galbeedkaba roobabku maansheeyeen maalmihii u damneeyay, isla markaana deegaanada galbeedka hargeysa meelo kala duwan roobab danab lahaa ku dileen dhawr qof ilaa inta la ogyahay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com