Hargeysa(ANN)Madaxweyne Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa maanta kormeer ku soo maray meelo ka mid ah xaafadihii xalay roobkii ka da’ay  ee caasimada Hargeysa. Kadib markii roob mahiigaan ah oo xalay dhawr saacood hayay magaalada la ogaaday

inuu geystay kahsaare nafeed iyo bur bur dhinaca wadooyinka ah.
Iyadoo Roobkaa xalay ka da’ay magaalada hargeysa ilaa inta la ogyahay ay ku dhinteen laba qof, isla markaana wadooyinka qaarkood daadku jaray, waxaana wadooyinka roobkaa mahiigaanka ahi jaray ka mid ah wadada dhinaca bari ka xigta Madaxtooyada Somaliland ee qabata Maxkadda sare, taas oo gebi ahaanba maanta xidhnayd.
Maayarka Caasimadda Hargaysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa sheegay inay Roobabkii xalay ka da’ay magaalada Hargaysa ay ku dhinteen laba carruur ah oo uu Gidaar ku dumay, isla markaana ay qaar kalena ku dhaawacmeen Roobabkaas watay Dabaylo xooggan, muddo saacado badan ahna si is-daba-joog u da’ayey.

Maayir Jiciir oo Kormeer ku maraayey shalay qaar ka mida Waddooyinka Hargaysa oo Roobabku gooyeen, ayaa Warbaahinta u sheegay in khasaaraha roobka ka dhashay yahay dhimashada laba Carruur ah, Dumista guryo dhawr ah iyo jidad Daadku jaray.  “Waxaannu hadda wadnaa Kormeer aannu ku ogaanayno Waxyeellada Wadooyinka uu Roobku soo gaadhsiiyey, haddana waxaanu soo marnay Wadooyin uu roobku jaray, kuwaasoo ay Shaqaalihii dawladda hoose ku hawlan yihiin sidii ay u bannayn lahaayeen.” Sidaa ayuu yidhi Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir.
Waxaanu Duqa Caasimaddu intaa ku daray in ay Shaqaalaha dawladda hoose ku hawlan yihiin dib u habaynta Jidadka dhex-mara Magaalada Hargaysa, waxaanu xusay inay jiraan Wadooyin badan oo roobkui xannibay, kuwaasoo uu sheegay inay ku hawlan yihiin qaabkii ay u banayn lahaayeen. “Inta aannu ognahay Roobabkan waxa ku Dhintay Laba Carruur ah oo Gidaar ku dumay, runtiina Roobkii xalay (Habeen-hore) da’ay waxa uu ahaa Roob kala dambeeyey oo Dabayl badan wata, khasaare intaas ka badan oo uu keenayna ma jiro.” Ayuu hadalkiisa raaciyey Duqa Caasimaddu.
Waxa sidoo kale, uu Roobku keenay in wakhti ku began 10:00 habeenimo ee waqtiga saacada Hargeysa, isagoo si xidhiidh ah u da’ayay qiyaastii saddex saacadood, taas oo keentay  inuu Laydhku ka go’o  inta badan magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafadaha ay Korontada u shidaan Shirkadaha gaarka loo leeyahay qaarlood iyo kuwa dawladda labadaba, kuwaas oo damiyey Mishiinnada Laydhka dhaliya, iyaga oo ka cabsi-qabay in Korontadu ay keento khasaare nafeed.
Koronto-laáanta ay Habeen-hore Roobabku sababeen, ayaa kalliftay in Telefishannada maxalliga ah ee laga daawado Hargeysa gudaheeda ay qaarkood hawada ka baxaan, ka dib markii Roobabku ay saameeyeen Laydhkii  u baxayay. Roob sidaa kan khasaaraha keenay u miisaan weyn, ayaan in muddo ahba Hargeysa ka di’ín, waxaanu Dhagxaan iyo Ciid tiro badan ku ururiyey Daadka Roobku badhtamaha iyo daafaha magaalada Hargeysa, taas oo keentay inay  Waddooyinka magaalada qaarkood ay xidhmaan, isla markaana ay goáan. Kadib markii ciid iyo dhagxaani buuxisay, isla markaana wadooyinka qaarkood noqdeen baliyo oo ay weli ku jiraan Biyihii.
Gaadiidka Magaalada hargeysa ayaa saaka saxmad iyo cidhiidh kala kulmay wadooyinka qaarkood markii ay gebi ahaanba xidhmeen, kuwaas   oo waayay  meel ay kala maraan. Iyadoo roob kale oo mahiigaan ahi mar kale galabta ka da;ay qaybo ka mid ah  caasimada  Hargeysa, balse aanay  weli soo bixin waxyeelo uu geystay.
Roobabka hiigaanka ah oo todobaadkan si toos ah  uga bilaabamay dalka ayaa jebiyay abaartii mudada dheer soo jiitantay ee ka taagnayd dalka, taas oo nolosha dadka iyo xoolahaba khatar gelisay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *