Islamabad (ANN)Dawlada maraykanka ayaa sheegtay inay ku dileenduleedka  magaalada Abbottabad ee dalka Pakistaan hogaamiyihii shebekada Alqaacida ee Usma binu Laden,  guri weyn oo ku yaala meel 200  yard u jirta saldhig Milateri oo ay dawladda Pakistaan  ku leedahay magaaladaa, taas

 

oo leh xarun tababar.
Dhisme guri ku yaala halkaa oo weyn ayaa waaberigii saaka lagu fuliyay dhisme Guri weyn oo ku yaala halkaa, kaas oo hawlagalka ay ku fuliyeen sadex diyaaradood oo Maraykanku leeyahay, waxayna wararku sheegayaan in diyaaradahaa mid ka mid ah lasoo riday, balse rasaas qadar socotay kadib laga kaxaystay halkaa dhawr nin oo gurigaa deganaa.
Dhinaca kale   Boqollaal qof oo Maraykan ay ayaa buux-dhaafiyey nawaaxiga Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo, ka dib markii uu salaaddii hore ee saaka Madaxweynaha dalkaasi Brack Hussein Obama ku dhawaaqay in Ciidamo Maraykan ahi ay gudaha Pakistan ku dileen hoggaamiyihii Al-Qaacida Cusaama Bin-Laden.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in Ciidammada Millateriga dawladda Maraykanku ay maanta weerar ku dileen hoggaamiyihii Al-Qaacida Cusaama Bin-Laden.
Barack Obama oo hadalkan kaga dhawaaqay khudbad uu si toos ah uga jeediyay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Cusaama Bin Laden lagu dilay howlgal gaar ah oo Ciidammo Maraykan ahi ay ka fuliyeen xarun uu ku jiray Cusaama Bin Laden oo ku taalla magaalada Abbotabad ee waddanka Pakistan.
Madaxweyne Obama wuxuu sheegay is-rasaaseyn kooban kaddib ciidamada Maraykanka ay dileen Cusaama isla markaana ay gacanta ku dhigeen maydka Cusaama, wuxuuna sidoo kale sheegay in howlgalkaasi aysan waxba ku noqon ciidamada Maraykanka.
“Ciidammada Maraykanku way dileen Hoggaamiyihii Al-Qacida, Maydkiisiina waxay u soo qaadeen Xabsiga. Maraykanka waxay maanta u tahay maalin taariikhiya..” ayuu yidhi Madaxweynaha Maraykanku Mr. Obama. Obama wuxuu sheegay in dilka Cusaama Bin Laden ay soo afjarayso 10 sannadood oo la baadigoobayay Cusaama oo ahaa argagixisadii ugu weynayd ee caalamka.
Howlgalkan lagu dilay  Usaama  ayaa la sheegayaa inuu socday mudo dhawr bilood ah. kaddib markii sirdoonka  Maraykanka iyo Pakistan. ay si wadajir ah u fuliyeen “Dilka Osama waxa uu Maraykanka uga dhigan yahay guul weyn oo taariikhiya oo u soo hoyatay dadweynaha Maraykanka..” ayuu yidhi Madaxweyne Obama.
Dhinaca kale Al-qaacida ayaa  dilka la shaagay in lagu fuliyay hogaamiyihoodii ku maray wacad inay aargoosi ka samaynayaan dilka Usama Binu laden. Laakiin waxa soo baxay aragtiyo kala duwan oo shaki gelinya xaqiiqda dilka Usama iyo sida ay suurtagalka u tahay in hawlgalka lagu dilay Usama oo aan mudo dheer warkiisa la maqal. Waxaana jira doodo odhanaya sheekadan  Usama  ayay dadka qaar u haystaan inay tahay mid siyaasadaysan, isla markaana aanu ahayn usama mid noolaa mudooyinkii u danbeeyay  oo aan warkiisa la maqal, maadaama markii ugu war danbaysay la sheegay inuu xauunsanayo sanadkii hore, isla markaana aanu ka hadlin waxyaabo baddan oo dunida ka dhacaya sannadkii u danbeeyay, gaar ahaan wadammada carabta,  balse mudada ay maraykanku sheegayaan in xogtiisa la ururinayay ay tahay intii la baayacayay sidii maydkiisa loo iibsan lahaa. Guriga hawlgalka lagu fuliyayna uu ahaa halkii la keenay maydkiisa.
Sidoo kale waxa shaki abuuray markii ay soobaxeen warar sheegaya in maydkiisa badda lagu aasay, taas oo iyana abuurtay shaki iyo inay dadka siyaasada aduunka falanqeeyaa u arkaan wararka dilka Usama mid jaah wareer lagu riday rayal caamka bulshada.

By, Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Mobile    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *