bedlawi1Qahira (Araweelo News Network)XukuumddamilaterigaMasar ee Ra’iisalwasaaraha ku meel gaadhka ah Hazem el-Beblawi ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in xukumaddiisu ay xilka ka degtay. Sidaana waxa uu ka

sheegay Khudbad uu ka jeediyay telefishinka.
Raysal Wasaare El-Beblawi wuxuu sheegay in dalka Masar todobaadyadii la soo dhaafay ay soo mareen dhibaatooyin sii kordhayay oo dhinaca shaqo joojinta, taas oo ay samaynayaan shaqaalaha rayidka.

Hazem El-Beblawi ayaa sheegay in caalamka oo dhan aanay jirin dowlad ka soo bixi karta dhammaan dalabka shacabkeeda haddii aanay helin fursad.
Hase yeeshee Wargeyska ku hadla afka dowladda ee Al-Axraam ayaa sheegay in El-Beblawi laga codsaday inuu xilka sii hayo tan iyo inta laga magacaabayo qofkii badali lahaa, balse ma cadda in uu aqbalay dalabkaa iyo in kale.

Xukuumadda Masar ee Milaterigu hogaamiyo ayaa xukunka la wareegtay bishii July ee sanadkii hore kaddib markii militarigu uu afgembiyay madaxweyne Maxamed Mursi oo ahaa Madaxweynihii u horeeyay ee taariikhda dalkaa si dumuqraadi ah loo doorto.
Madaxweyne Mursi markii ay Milaterigu xukunka kala wareegeen waxay u taxaabeen xabsiga, waxaana lasoo taagay dhawr goor Maxkamad, balse weli wax xukun ah laguma ridin, waxaana dalkaa ka socday tan iyo mudadaa xukunka laga tuuray Mursi debedbaxyo isu rogay qalalaase oo dhiig badani ku daatay, kuwaas oo lagu diidanaa in Ciidamadu la wareegaan xukunka.

Wargeyska ka mkd ah kuwa kasoo baxa dalka Masar  oo soo xigtay ilo wareedyo aan la magacaabin ayaa sheegay in wasiirka guriyaynta Ibraahim Mihlib uu baddali doono ra’iisalwasaaraha xilka ka degay.

Sida uu sheegay wargeyska, go’aanka ah in xukumadda ay is-casisho ayaa lagu gaadhay shir socday muddo 15 daqiiqo ah oo saaka la qabtay, kaasi oo uuna ka qeyb-galay taliyaha ciidamada militariga, isla markaana ah wasiirka difaaca Cabdifitaax Al-Siisi
oo ah ninka la rumaysanyahay inuu dalka ka taliyo.
Sida ku cad dastuurka cusub ee bishii Janaayo la meel mariyay, waxaa khasab ah in doorasho ay dalka ka dhacdo badhtamaha bisha April. laakiin way adagtahay in la rumaysto in doorasho ka dumuqraadi ah ay ka dhacdo dalkaa

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *