Djibouti(ANN)Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici iyo Wefti uu hogaaminayo, ayaa saaka waaberigii ka dhoofay Madaarka Berbera, iyagoo usii jeeda dalka Djibouti, ayaa galabta ka degey Madaarka dalkaa. Madaxweyne Ku xigeenka
Somaliland waxa socdaalkiisa
ku weheliyay Wasiirradda Wasaaradaha Warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaalle (Boobe), Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle, Wasiirka Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Guddoomiye Ku xigeenka sadexaad ee xisbiga KULMIYE C/raxmaan Maxamed Talyanle iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka.
Madaxweyne Ku xigeenka iyo wefdigiisa, waxa kusoo dhoweeyay Madaarka Djibouti Raysal Wasaaraha Dalkaa Dilayta Maxamed Dilaysta oo martiqaadka u fidiyay. Sida uu Madaxweyne xigeenka Somaliland ugu sheegay saxaafada ka hor intii aanu ka dhoofin Berbera maanta.
C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wuxuu sheegay in socdaalkoodu qaadanayo dhawr maalmood, isla markaana ay mudada ay ku sugan yihiin Djibouti kulamo kala duwan la yeelan doonaan Raysal wasaaraha Djibouti, Wasiiro iyo masuuliyiinta kale, kuwaas oo sida uu xusay ay kala hadli doonaan sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka labada wadan iyo dhamaystirka heshiisyadii iskaashi ee ay labadda dal hore u gaadheen sanadihii u dambeeyay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com