Dalka kastoo adduunka ku yaal wuxuu qiimeeyaa, isla markaana wax kasta ka horreysiiyaa waxyaabaha sida gaarka ah u muujinaya astaamaha qarannimadiisa oo ay ugu muhiimsan yihiin calanka, baasaaboorka, lacagta iyo wax kastoo tilmaamaya in dalkaasi yahay mid madaxbannaan,

mana jiro waddan ama dal ku kaca arrimo qiime-dhac iyo sharaf-dil ku ah astaamihiisa qarannimo, cid kalena kama oggolaado tallaabooyin nusqaan ku ah dawladinimadiisa.

Waxa jirta in dalka ama qofkasta loola dhaqmo hadba siduu u tixgeliyo waxyaabaha gaarka kuu ah, haddii ceebayn iyo xaqiraad lagula kaco astaamahaaga qarannimana waxa kugu waajib ah inaan ku dhaqaaqdo wax kastood ku muujinayso inaad ka maarantay ciddii kuu aragta inay kaa sarreyso.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa gabay ku muujiyey sida loola dhaqmo qofka ama cid kastoo aaminsan inay kaa sarrayso ama kuula dhaqma sidii mid meeqaam ahaan ka hooseeya, isagoo hal-abuurku tilmaamay in bani’aadamku sagaal bilood ku wada dhasay oo cid kala sarraysaa aanay jirin, balse qof kasta ama dal kasta loola dhaqmo hadba halkuu is dhigo if iyo aakhiraba, sidoo kalena in ninka ku yidhaa sinnaan mayno, adiguna aad diido sarraynta uu kuu sheeganayo.

“Nin ku yidhi sinnaan mayno, adna buri sarrayntiisa, sidka waad wadaagtaane, ma sagaashanbaa tiisu?” ayuu yidhi abwaan Hadraawi.

Haddaba, waxaynu odhan karnaa xukuumadda Somaliland kamay faa’iidaysan xigmadda iyo murtida ka muuqda sadarkan ka midka ah maansadan, waxayna si dhib yar oo fudayd badan ka muuqdo wefti baasaaboorro ajnebi ah sita ugu dirtay shirka maanta ka furmaya dalka Turkiga oo meel-ka-dhac qaawan ku sameeyey qarannimada Somaliland, maadaama wasiirka keliya ee sita baasaboorka dalkiisa ee weftigaas ka midka noqon lahaa loo diiday fiisihii dal-ku-galka, iyadoo sababta qudha ee loo diidayna tahay baasaaboorka Somaliland ee uu haysto, maxaa yeelay haddii Wasiirka Hawlaha Guud haysan lahaa baasaboor shisheeye hore ayuu fiisaha ka qaadan lahaa, waxaannu la mid noqon lahaa saddexda wasiir ee shirka Istanbul kaga qaybgalaya baasaaboorrada ajnebiga ah ee ay jeebadaha ku sitaan.

Abwaan Hadraawi kelidii kamuu gabyin sida loola dhaqmo ciddii ku yasta ama ku diida inaad siman tihiin, laakiin gabyaagii caanka ahaa ee Allaah ha u naxariistee Saahid Qamaan oo isna arrintaas ka hadlay waxa uu yidhi; “Rag waxaan ku maamuli aqaan ammaan ku maamuusi, masa inaannu nahay ooy tolnimo meerto noo tahay, oon weliba kaga miil caddahay, maydhse diidaniye, masalaha nimaan ii dhigayn, midig ma saaraayo, kii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho.”

Sidaa awdeed, iyadoo laga duulayo murtida abwaannada Soomaalida laga dhaxlay, lana ilaalinayo karaamada iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, haddana waxa waajib ahayd in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka qaybgalka shirka Istanbul ku xidho shuruud ah in dawladda Turkigu fiisayso baasaboorka Somaliland, iyadoo weliba si gaar ah fiisaha loo siinayo xubnaha ka midka ah weftiga u metelaya shirkaas ee sita baasaboorka Somaliland, haddii shuruuddaas la fulin waayana waxay ahayd in madaxweynuhu soo saaro go’aan dawladeed oo lagu qaadacayo ka qaybgalka shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee Istanbul ka furmaya maanta, maadaama oo dawladda Turkigu diiday in dalkeeda lagu galo baasaaboorka Somaliland.

Hasayeeshee, xukuumaddu waxay qaadatay go’aan ceeb ku ah qaranka iyo karaamada shacbiga reer Somaliland markii ay oggolaatay in shirkaas loo diro saddex wasiir oo baasaboorro ajnebi ah sita, halka laga tagay wasiirkii keliya ee haystay baasaboorka Somaliland, kadib markii dawladda Turkigu diiday inay siiso fiisaha dalkeeda, waxana Jamhuuriyadda Somaliland seegtay fursad maanta magac iyo karaamo weyn u yeeli lahayd hadday amar ku bixiso in afarta wasiir ee shirkaas uga qaybgalayaa ay qaataan baasaboorka Somaliland; waa hadday dhab tahay in dawadda Turkigu martiqaadka shirkaas ku soo qortay magaca Somaliland, markaas haddii Turkigu diido baasaboorka Somaliland go’aanka meesha yaal wuxuu noqon lahaa in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo gebi ahaanba qaadacdo shirka Istanbul, maadaama dalkii martiqaadka lahaa ee martigeliyey diiday baasaboorka Somaliland.

Ka qaybgalka Somaliland ee shirka Turkigu waxa uu muujinayaa in qiimo-dhac fool xun lagu sameeyey baasaboorka dalka, iyadoo tallaabadaas liitinimada ahna loo qaaday dhadhamo-raacnimo, taasoo u muuqata in xukuumaddu shirkaas ka dhex aragtay waxoogaa dhaqaale iyo horumarin ah, balse dhinaca kale kamay eegin daciifnimada iyo sida loo xaqiray baasaboorka muujinaya astaanta qarannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddii dawladda Somaliland diidi lahayd ka qaybgalka shirkaas ama shuruud uga dhigi lahay fiisaynta baasaboorkeeda, waxa suurtogal noqon lahayd in waanwaan iyo wadahadallo raalligelin xambaarsan furmaan haddii Somaliland shirkaas diidi lahayd, kadibna la oggolaado fiisaynta baasaaboorkeeda ama weftiga Somaliland dawladda Turkigu u soo dirto diyaarad khaas ah oo Hargeysa ka qaadda, sababtoo ah dalka Somaliland taariikh ahaan iyo juquraafi ahaanba wuu ka sarreeyaa maamullada Soomaaliyeed ee Puntland iyo Galmudug oo markii hore qaadacay ka qaybgalka shirka Istanbul, laakiin wadahadallo iyo sasabo kadib Arbacadii shalay loo diray diyaarad khaas ah oo lagu guray wufuudda u metelaya shirka Turkigu u qabanayo dhinacyada Soomaalida, inkasta oo hore loo yidhi lax walba shilalka ay is dhigto ayaa lagu qalaa!

Guntii iyo gunaanadkii, waxa waajib qaran ah in dawladda Somaliland wax kasta ka sarreysiisyo, kana horaysiiso qiimaynta iyo sarraysiinta waxyaabaha muujinaya astaanta qarannimada Somaliland oo ay ugu horreeyaan dastuurka, calanka, baasaboorka iyo lacagta dalku gaarka u leeyahay, mana qurux badna in astaamaha qarannimada loo bahdilo wax aan qiimo ahaan u qalmin, waana in dawlad iyo shacbiga laga shaqeeyo sidii waddamada dunida iyo hay’adaha caalamiga ah looga dhaadhicin lahaa meelmarinta, ansixinta iyo fiisaynta baasaaboorka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo maanka lagu hayo duruufaha iyo caqabadaha aqoonsi la’aantu leedahay, balse waa in masuul kastoo dawladda ka tirsan iyo ururrada bulshada rayidka ah ee lagu martiqaado shirarka iyo kulamada caalamiga ah ay sitaan baasaaboorka dalkooda si dunidu u barato in Somaliland tahay dal madaxbannaan oo leh baasaaboor u gooni ah.
Daymada Wargeyska Jamhuuriya

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *