Kismaanyo(ANN)Ciidamada Dawlada taagata daran ee Somalia oo kaashanaya maleeshiyada Raas-kaambooni, isla markaana ay taageerayaan kuwa dawladda Kenya ayaa la wareegay Afmadow oo ah fadhiisin mihiim ah oo ay mudo dheer ku sugnaayeen

 

xoogaga Al-shabaab.

Kadib markii Ciidamada Kenya iyo kuwa Dawlada Somalia ee isbahaysanayaa in ka baddan sanad ka badan ku hareeraysnaayeen degmada Af-madaw oo qiyaastii 100 Km kaga beegan dhinaca Koonfureed Magaalada Dekeda ah ee Kismaanyo.
Afhayeen ku hadlay DKMG ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka huwanta ahi ay ku soo jeedaan degmooyinka Jilib iyo Bu’aale iyo waliba magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose oo weli gacanta ugu jirta Al-shabaab.
Warar kale ayaa sheegaya inay Al-shabaab isugu urureen dhinaca magaalada Dekedda ah ee Kismaanyo, iyagoo iskood uga baxay Bu’aale kadib markii maanta laga qabsaday Af-madaw oo kulaalaysay xadka Kenya, taas oo ahayd magaalo ahmiyad weyn u lahayd gacan ku haynta deegaamo baddan oo dhinaca jubooyinka ah. 
Dhinaca kale arrinatan ayaa kusoo beegantay iyadoo maalmihii lasoo dhaafay laga qabsady Al-shabaab magaalada af-gooye ee duleedka Muqdisho oo ka mid ahayd meelaha ugu mihiimsan ee ay gacanta ku hayaan, waxayna arrimahaasi muujiyeen in  la wiiqay cududii milateri ee Al-shabaab, balse maaha inay talaabooyinkaasi meesha ka saarayaan dagaalka ay al-shabaab kula jirto ciidamada Kenya, Somalia, AMISOM   iyo kuwa Ethiopia eek u sugan Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *