images/stories/qoys ku shufbeelay dab1.png Hargeysa (ANN)Qoys ka kooban afar qof ayaa dhamaan ku shufbeelay gurigooda , ka dib markii dab ka kacay gurigii ay deganaayeen oo ku yaalay xaafada sheekh Nuur ee degmada Gacan Libaax oo ku taal dhinaca bari ee magaalada Hargeysa.Qoyskaa oo ka soo jeeday qowmiyada Oromada ee qaxootiga ku jooga Somaliland ayaa guriga ay deganaayeen oo ahaa cariish dab ka kacay xilli ku beegnaa salaadii subax ee waabaaberigii maanta.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Gacan Libaax Mudane Ismaaciil Muuse oo ka waramay sida wax u dhaceen ayaa wuxu yidhi: guriga waxa ku noolaa afar qof oo aabaha la odhan jiray Cumar Cabdi Maxamed iyo xaaskiisa oo magaceedu ahaa Fadxiya Maxamed Axmed iyo laba caruur ah oo ay dhaleen oo mid ahaa gabadh yar oo qiyaastii jirtay saddex bilood iyo wiil lagu qiyaasay ilaa afar sanno, sida dadka jaarka ahi noo sheegeen dabku wuxu reerka qabsaday intii u dhaxaysay afartii ilaa shantii subaxnimo dhexdoodii. Gurmadkii maamulka degmadu halkaa ku tageena wax nolol ah kumay gaadhiin ayuu yidhi gudoomiye xigeenka xaafada.
Wuxuuna intaa ku daray guddoomiye ku xigeenka degmada Gacan Libaax in maydadka qoyskaa ku naf waayey dabkaasi ay aaskooda u xil saareen waaxda arimaha bulshada ee dawlada hoose ee Hageysa, kuwaas oo maantaba la aasay.
Qoyska masiibadu qabsatay ayay dadweynihii la jaarka ahaa sheegeen in ay ku dedaaleen intii itaalkooda ah in ay samata bixiyaan qoyska oo deganaa guri ka sameysan baco iyo karaatoon oo cariish ah, hase yeeshee ay u suurta geli wayday baaxada dabka oo ka awood batay awgeed inay badbaadiyaan. Maaha markii u horaysay ee sidan oo kale qoys ku shufbeelo dab iyo iydoo aanay jirin masiibooyinka sidan oo kale dabka wax gurmad ah oo ay dadku helaan marka laga reebo gurmadka xaafadaha ku dhow, maadaama aanu jirin baddamis iyo hayado gaara oo ka shaqeeya ka hortaga iyo gurmadka masiibooyinka noocan ah.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com