Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali waraabe ayaa oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan xisbiyadooda ayaa booqasho ku saabsan sidii ay xog ogaal ugu noqon lahaayeen dadka ku waxyeeloobay roobabka . iyagoo soo maray boqollaal qoysas danyar ah oo daadsan bannaanada degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed-dhagax oo ah meelaha uu khasaaraha ugu culus ka soo gaadhay roob dabaylo watay oo shallay ka da’ay magaallada Hargeysa.
Masuuliyiinta xisbiyada mucaaridku waxay dadka ka tacsidayeeyeen dhibaatada kasoo gaadhay roobabka, isla markaana waxay Ilaahay uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo dadkii ku geeriyoodey roobabka oo illaa hadda inta la ogyahay ee la xaqiijiyey tiradoodu gaadhay sagaal qof. Gudoomiyaha Axmed Siilaanyo, wuxuu balanqaaday inay xisbi ahaan si deg deg ah uga qaybqaadanayaan sidii gurmad iyo caawimo deg deg ah loo gaadhsiin lahaa dadka dhibaataysan, waxaanu ugu baaqay xukuumadda , hay’adaha iyo ganacsatadaba inay kaalintooda ka qaataan
Sidoo kale wasiirada arrimaha gudaha ee Somaliland C/llaahi Ismaaciil Ciro, Hawlaha Guud Siciid Sulub iyo Maayarka Caasimada Hargeysa ayaa kormeer kusoo maray xaafadaha khasaaraha Roobabku dhibaatada u geysteen, waxayna u sheegeen dadkii cabashada kala horyimi in aan cidna lagu canaanan mushkiladii dhacday ee roobku keenay oo ay aad uga xunyihiin, isla markaana ay xukuumad ahaan ugu baryo tegayaan Haya’daha samafalka ee dalka jooga.
Ma jiraan ilaa hada wax caawimo ah oo gaadhay dadka ku dayacan koonfurta magaalada hargeysa, iyadoo maanta la arkayay khasaaraha aan weli si rasmi ah loo ogaan baaxadiisa, dayaca boqolaal qoysas danyar ah oo u baahan cid la maaraysa mushkilada aanay qaadi Karin iyo khasaaraha soo gaadhay. Marka laga yimaado khasaaraha soo gaadhay guryaha, meheradaha yar yare e ganacsi ee xaafadaha Siinay, Octoobar iyo Maxamuud Haybe, ilaa hada Dadka ku nafwaayay waxyeelada Roobabka, Danabka iyo daadka ayaa ilaa inta la ogyahay lagu sheegay sagaal qof, halka dhaawacana lagu sheegay dhawr iyo toban.
By, Carraale M. Jama
Hargeysa Office Araweelonews
E-mail; Info@araweelonews.com