QaraxMuqdisho(ANN)Qarax waaweyn ayaa maanta gilgilay magaalada Caasimada ee Muqdisho. Kadib markii weeraro hubaysan oo tacshiirado ah

lagu qaaday Maxkamadda Gobolka Banaadir ee Muqdisho, kuwaas oo weerarada kadib qaraxyo is miidaamin ah la beegsaday dhismaha.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dad ka badan  20 qof ay  dhinteen ilaa dhawr iyo toban kalena ku dhaawacmeen. Dad goob joog ah ayaa sheegay in kadib markii niman hubeysan ay weeraro isugu jira qaraxyo iyo toogasho ku qaadeen, dhismaha Maxkamadda Gobalka Banaadir ee magaalada Muqdisho uu qof isa soo miidaamiyey isku qarxiyay albaabka hore maxkamadda, daqiiqado ka dib-na ay koox hubaysan gudaha u galeen maxkamadda.

Dhinaca kalena qarax kale ayaa lal beegsaday isgoyska KM4 ee degmada, kaas oo sida ay sheegayaan wararku lala eegtay gaadhi marayay Xaafada Hodon oo ay saarnaayeen shaqaale katirsan hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Muqdisho.

Sidoo kale wararka qaar  ayaa sheegaya in dad caddaan ah ku waxyeeloobeen qarax lala beegsaday isla galabta gaadhi marayay  agagaarka geerashka Xaaji Dool, waxayna qaraxyadu noqonayaan sadex qarax oo si darandoori ah uga dhacay goobo kala duwan iyo weerar hordhac u ahaa qaraxa lala beegsaday Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa si kulul u dhaleeceeyay weerarkii lagu qaaday Xarunta Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka ee magaalada Muqdisho oo ah ka khasaaraha ugu weyni ka dhacay ilaa inta la ogyahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu  sheegay in dowladda Soomaaliya ay hore u socotay oo aanay koox argagixisadu nabada iyo hormarka ka horisaagi Karin Somalia, isagoo dhinaca kalena sheegay in weeraradani muujinayaan in laga guuleystay cadowgii oo laga qabsaday goobihii muhiimka ahaa ee ay ku lahaayeen Soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia wuxuu tacsi u diray dhamaan ehelada shacabkii ku geeriyooday weerarka lagu soo qaaday xarunta Maxkamadda Gobalka Banaadir.

Qaraxyada ka dhacay Muqdisho iyo weerarada waxa sheegatay Kooxda Alshabaab, waxayna kusoo beegmeen wax ka yar todobaad markii dowladda Britain ay sheegtay in kooxaha xagjirka ahi ay qorsheynayaan inay weeraro ka geystaan magaalada Muqdisho. Sidaa awgeed ay ka baxaan Somalia muwaadiniinta u dhalatay Britain, isla markaana aanay wax safar ah ku tegin halkaa, balse xukuumadda taagta daran ee Somalia aya iska dhega martay digniintaa, waxayna ku tilmaameen mid aan sax ahayn.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *