qarax gaadhi muqdisho1Buulla Berde(Araweelo News Network)Ciidamada Djibouti eek u sugan Somalia oo qayb ka ah ciidamada midawga Afrika ee AMISOM, ayaa khasaare loo geystay. Kadib markii laba qarax lagu weeraray

xero ay ku leeyihiin Buullo Burde.
Qaraxyada iyo weerar madaafiic ah oo lagu garaacay saldhig ay ku leeyihiin Ciidanka Djibouti halkaa aya sababay in khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaadho dhawr askari.

 

Afhayeenka u hadlay Al- Shabaab oo lagu magcaabo Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa sheegay in ay qaraxyada iyo weerarkaa ka dhacay Buulla Berde ay fuliyeen ciidankoodu, wuxuuna xusay in sedax askari ka mid ahaa Ciidanka Djibouti ay ku dileen weeraro qaraxyo ka dhacay magaalada Buula Barde.

Sidoo kale Sheekh Abuu Muscab, wuxuu xaqiijiyay in ciidankoodu ay madaafiic ku garaaceen garoonka macmalka ah ee degmada Buula Barde.
Magaalada Buullo Burde ayaa go’doon ahayd tan iyo markii ciidammada AMISOM ay la wareegeen dhowr bilod ka hor ee laga qabsaday Al-shabaab, Waxaa ciidanka ku sugan magaalada sahayda loo mariyaa dhinaca Cirka, iyadoo aan dhinaca dhulka laga geli Karin. Kadib markii ay Al-shabaab maxaasiraysay magaaladaa.

Maaha markii u horaysay ee Ururka Al-Shabaab weerar ku qaadaan magaalada Buulla Berde tan iyo markii laga qabsaday, balse dhowr jeer oo hore ayay weerar sidan oo kale ah oo khasaare kasoo gaadhay ciidamada AMISOM ee dalka Djibouti ku qaadeen.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *