ciidanka qaranka TaleexTaleex(Araweelo News Network)Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kala caydhiyay koox  ay hormood u yihiin Cali Khaliif Galaydh iyo odayaal kale, kuwaas oo abaabulayey

shir ka dhan ah qarannimada iyo xasilloonida Somaliland oo la doonayo in lagu qabto degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Afhayeenka ciidanka qaranka Somaliland Cismaan Cabdillaahi Siciid (Cismaan Dheere) oo saxaafadda u warramay maanta, waxa uu sheegay in cutubyo ka tirsan millatarigu  kormeer nabadgelyo ku tageen Magaalada Taleex subaxnimadii hore ee shalay, isagoo ujeeddada ciidanka qarankana ku tilmaamay hawlgal iska caadi ah, isla markaanna lagu xallinayo isku dhac dhexmaray beelo degaanka wada dega.

“Cutubyo ka tirsan ciidammada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa saaka waaberigii (subaxnimadii hore ee shalay) u dhaqaaqay dhinaca degmada Taleex oo awalba aanay ka fogayn oo meel ku dhaw ay degenaayeen si nabadgelyo ah ayey ku gaadheen, odayaashiina way soo dhaweeyeen oo waxay ciidanka kaga hor tageen meel 20 km magaalada u jirta, si nabadgelyo ah ayey ku degeen oo halkaas odayaasha iyo dadka kula shirayaan, waanna ciidankii kormeerka ahaa ee awalba tegi jiray oo si nabadgelyo ah ku mari jiray xuduudaha, maadaama ay degmooyinka u kooneeya ka mid tahay degmada Taleex.  Sidaas darteed, si nabadgelyo ah ayey ku tageen, waanay nabad qabaan, waanna kormeerkii caadiga ahaa oo taariikhdu markay ahayd 14-kii bishii April ee sannadkan,  sidaas oo kale ayey kormeer ugu tageen, dabadeedna markay maalmo joogeen si nabadgelyo ah ayey meelihii kale ee ay kormeerka ku tagayeen ugu dhaqaaqeen, marka inta dhacday ee dhaqdhaqaaqa ciidanku waa intaas,” ayuu yidhi Cismaan Dheere.

Hawlgalka ciidanka qaranka ayaa la sheegay in ujeeddadiisu la xidhiidho sidii looga hortagi lahaa, loona kala dareerin lahaa siyaasiyiin iyo odayaal abaabulaya shir lagu qabto magaalada Taleex, lagagana soo horjeedo qarannimada Somaliland, isagoo afhayeenka ciidanku sheegay inay shirkaas maqleen, balse aanay gudaha magaalada kula kulmi wax shir ah iyo cid iska caabin kala hortagtayba.

“Wax iska horimaad ah kama dhicin, habayaraatee xabad qudhi kamay dhicin. Warkaas waannu helnay, laakiin wax shir ah oo halkaas ka socday markaas oo aannu ugu tagnay ma jirin, odayaashii degaanku way soo dhaweeyeen, wax shir muu jirin, waxaanna jiray isku dhac beelaha degaanka dhexmaray, marka nabadayntaas iyo hawshaas ayuu ciidanku ka shaqayn doonaa,, wax ciidan ah oo meesha joogana manaan arag.

Garabkii odayaasha ee ciidanka meel 20 km magaalada u jirta kaga hortagay ayey ciidanku shirar la leeyihiin oo qaar ka mid ah madaxda ciidanka ayaa shirar la leh, si arrimaha beelaha dhexmaray u nabadeeyaan oo looga wadahadlo, shirarkaas waxa ka soo baxana waannu idiinla socodsiin,” ayuu yidhi Afhayeenka ciidanka qaranka Somaliland.

Ciidanka  qaranka, ayaa sidan oo kale u tagay degmada Taleex ee Gobolka Sool  14 April ee 2014, kuwaasoo markii dambe dib uga baxay fadhiisin ay ka samaysteen duleedka degmadaas oo la doonayey in lagu qabto shir ka dhan ah qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, balse xilligan lama oga tallaabada kale ee ay ciidanku qaadi doonaan, maadaama ay kala eryeen odayaal iyo siyaasiyiin abaabulayey shir lagu dhaawacayo nabadgelyada iyo xasiloonida Somaliland.

Dhinaca kale, Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa fadhiisin ka samaystay duleedka magaalada Xiin-galool ee bariga Gobolka Sanaag oo ilaa 100km u jirta magaalada dekedda ah ee Boosaaso, halkaasoo la doonayo in shir  qarannimada Somaliland lagaga soo horjeedo  lagu qabto 15 June 2014.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *