MMkastanHargeysa(Araweelo News Network)Allah ha u naxariistee Maxamed Maxamuud Kastan oo caan ku ahaa (MM Kastan), isla markaana ahaa qoraa iyo suxufi ka mid ahaa ruug-cadaayadii seeska u dhigay saxaafada Somaliland ayaaku geeriyooday gurigiisa oo

 

ku yaala magaalada Hargeysa.
Marxuumka ayaa laga warhelay galabta geeridiisa markii wax war ah laga waayay 48-kii saacadood ee u danbeeyay.
Marxuumka ayaa la filayaa in lagu aaso magaalada Hargeysa maalinta Khamiista ee beri 12 Jun 2014.

Marxuumka wuxuu Taariikhda facaweyn  ku lahaa saxaafada Somaliland, taas oo aanu kusoo qaadan doono mwduucyo danbe.

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:”Table Normal”; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-parent:””; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:”Calibri”,”sans-serif”; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:”Times New Roman”; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}

Dhanbaal Tacsi ah oo Madaxweynaha Somaliland soo saaray Geerida Marxuum Kastam ayaa u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada Somaliland iyo Bahda Qorayaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Kastam (M.M KASTAM) oo ku geeriyooday 11.06.2014 Caawa Hargeysa.

 

 

Marxuumka oo ka mid ahaa Aas-aasayaashii dhidibada u taagay saxaafada Somaliland, kana mid ahaa dadka fara-ku tiriska ah ee Alle hibada u siiyey Qoraalka mar walbana wax ka qori-jiray hadba wixii taagaan,

 

Waxa uu ka soo shaqeeyey Wargeys-yada iyo Television-nada Dalka intooda badan wuxuu indhaha u jeexay da’a yarta saxaafada maanta ku shaqaysa intooda badan oo uu tusaale u ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, iyo Qorayaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Tafaftiraha shebekaddaha Araweelo News Network iyo Arraweelo News , Carraale M. Jama iyo dhamaan hawlwadenada shebekadahaa waxay tacsi tiiraanyo leh u diyaan Marxuumka waxayna Illaahay uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii qaraabadii ehelkii asxaabtii iyo bulshada Somaliland samir iyo Iimaan sareecan ah ka siiyo.
Inaa Lilaah wa inaa Ilayhu raajucuun.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *