Muqdisho(Araweelo News Network)Qaraxyo ayaa ka dhacay Huteel ku yaala dhismihii hore ee Idaacada Banaadir oo laga sameeyay Huteel, waxaana wararku sheegayaan in gaadhi
laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala eegtay Baarkinka Huteelkaa oo ay xiliggaa ku jireen qaar ka mid ah Maduuliyiinta Dawlada ku meelgaadhka ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in khasaare xooggan uu geystay qaraxu, balse dawlada taagta daran ee fadhigeedu yahay Villa Somalia ayaan wax war ah kasoo saarin qaraxa iyo khasaaraha uu geystay.
Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday gaadhigii Taliyiha ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka u qaabilsanaa gobolka shabeelada Hoose Axmed Cumar Mudan, kaas oo gaadhigiisa qaraxu qabsaday agagaarka Taree Biyaano gaar ahaan afaafka hore ee maqaaxida laga cunteeyo ee Golis oo ku taal degmada Hodon.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Taliyaha lala eegtay qaraxa uu ku dhintay, iyadoo Maydkiisa la dhigay Cusbitaalka Madiina.
Qaraxyada ayaa kusoo beegmay iyadoo Raysal wasaaraha Somalia la hadlayay Ciidamada oo uu kala hadlayay, kaas oo ka qudbadaynayay goobtaa qaraxu ka dhacay kasoo horjeedkeeda oo dhawr mitir u jirta, mana jirto cid sheegatay qaraxyadaa.
info@araweelonews.com