Markalaga hadlayo soo saarista shidaalka iyo khayraadka kale ee dalka, waxa laga maarman ah in dalkaasi marka hore yeesho shuruuc diyaar ah iyo xeerar sida Xeerka Maalgashiga, Xeerka (Petroleum Law) ee Khayraadka dalka, kaas oo
tilmaamaya heshiisyada shidaalka iyo nooca dalkaasi doonayo in loo waajaho. Sidoo kale waa in xeerkaa ay ku cadaataa cidda awooda u leh maamulka khayraadka dalka.
Diyaarinta xeerka (Petroleum Law), waa inuu jiraa ka hor inta aan la qaadin talaabo heshiis lagula gelayo shirkad, ama shaqsiyaad , kaas oo la marinayo nidaamka dastuurka ee u yaal dalkaa, isla markaana la hor geynayo Baarlamaanka. Xeerkaa ayaa sidoo kale tilmaamaya qaabka loo dhisayo Guddi heer qaran ah oo ay wada jir u samaynayaan Madaxweynaha iyo Baarlamaanku, kuwaas oo haysta awood buuxda, isla markaana ka baxsan wasaaradda hawsheedu tahay Batroolka iyo Macdanta oo wasiirku yeelayanayo awood xadidan oo keliya.
Xeerarkaa iyo shuruucdaa oo ah kuwo la lafa-guray, isla markaana ka hor inta aan la samayn dhinacyo badan laga eegay, ayaa ah kuwo lagu ilaalin karo khayraadka dalka, isla markaana meesha ka saaraya in koox yar, ama shirkado shisheeye qaab khaldan uga faa’idaystaan khayraadka dalka, iyagoo fursad ka heli kara dhibaatooyin dhaqaale, saboolnimo, ama siyaasado iyo duruufo kale oo ka jira dalkaa.
Waxa jira dhibaatooyin ay wadamo badan oo Afrikaan ah iyo kuwo Carbeed kala kulmeen shirkaddaha shidaalka soo saara, ama dilaaliinta magacyada shirkadaha wata, kuwaas oo haddii aanay dalalka dunida sadexaad, ama wadamada saboolka ah ee aan nidaam ahaan iyo sharci ahaan xididada adag ku taagnayn ay dhibaatooyin kala kulmaan.
Tusaale ahaan wadamada Britain iyo Norway, waa kuwo awood badan, waxayna ka mid yihiin wadamada shirkaddo badan oo kuwa shidaalka ah kasoo jeedaan. Laakiin wadamada Angola, Nigeria, Guinea, Guinea-Bissau, Sudan, South Sudan iyo Yamen waxa haysta mashaakil ay sabab u yihiin heshiisyada shidaalka iyo khayraadka dalkooda oo ay la galeen shirkaddo, iyadoo aan si weyn oo taxadir leh looga fekerin, isla markaana shuruucda iyo xeerarka lagu ilaalin lahaa heshiisyadaasi noqdeen kuwo aan awood lahayn oo lagu xakamayn Karin shirkaddaha heshiiska lala galay, taas oo sabab u noqotay in aan khayraadkii dalka ee lasoo saaray waxba ka bedelin noloshii faqriga iyo saboolnimada ahayd ee ka jirtay wadamadaa.
Marka loo eego Somaliland wadamadaa, waxay noqonayaan kuwo dhisan oo haysta waxyaabo badan oo aanay Somaliland haysan, isla maraana ma jiraan shuruucdii iyo xeerarkii loo baahnaa inay Somaliland diyaarsato ka hor inat aan heshiisyo qarsoon raad xun ku yeelan kara mustaqbalka dalka. Sidoo kalena sabab u noqon kara in khayraadka dalka ay ka faa’idaystaan oo keliya shirkaddo shisheeye, ama shaqsiyaad iyo koox yar, taas oo ay suurta gal tahay, ama ay cadahay in ay ka xumaato dhibaatada ka taagan dalalka aynu kor kusoo xusnay oo mushaakilka ka tagaan ee ka dhashay qaabka loo maamulay Khayraadku dalku sababay in aana waxba iska bedelin dhaqaalaha dalka iyo nolosha bulshada midna.
In kasta oo aanu jirin gebi ahaan (Petroleum Law), xeerkii tilmaami lahaa awooda cida iska leh maamulka hawshaa, qaabka uu noqonayo heshiiska lala gelayo shirkad shidaal, ama shaqsiyaad, damaanada shirkaddaha, hantidooda, khibradooda , tilmaamaha qaabka dhulka ay shirkaddu ka baadhay wax, qaabka ay wax u baadhay, mudada hawsha la wado.
sida loo maamulayo iyo cida maamulaysa, isla markaana si cad u qeexaya qaab xisaabeedka kaas oo haddii aanu diyaar ahayn aanay jirin cid awood u leh inay heshiis noocaa ah gashaa, balse iyadoo aanu diyaar ahayn xeerkaa iyo xeerar kale oo muhiim ah oo ay ahayd in la diyaariyo ka hor inta aan la qaadin Talaabo, waxay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo gashay heshiisyo, kuwaas oo aan ilaa hada la oggayn Afarta nooc ee heshiisyada caalamiga aha ee shidaalku ka kooban yihiin ka ay la gashay shirkaddaha ay dhowaan sheegatay inay soo saarayaan shidaal.
Sidoo kalena maaha heshiisyada la galay kuwo la mariyay nidaamka sharciga iyo dastuurka, mana jirto cid si cad ula socota awooda ay u leeyihiin dhaqaale ahaan iyo qalab ahaan shirkaddaha la siiyay heshiisyada qarsoon oo ah kuwo u muuqda in qol madaw lala galay, kuwaas oo khasaare iyo faa’ido aan la ogayn midka ay u keeni karaan dalka iyo dadka, ama deebacada iyo Bay’adda deegaanka ka bedeli karaan.
Heshiisyada xumuuadda Madaxweyne Siilaanyo sheegtay inay gashay mudo sadex danadood ku dhow oo ay xukunka haysay , maaha kuwo la horgeeyay golayaasha sharciga ee Baarlamaanka sida ku cad dastuurka, waxayna tani shaki iyo wel wel ku beertay mustaqbalka iyo aayaha danbe ee dalka, iyadoo ay golayaasha sharci dejinta ee Baarlamaanku (Wakiiladda iyo Guurtidu) noqdeen kooxo siyaasadohooda iyo hawlo ganacsi ku mashquulay oo ilaabay waajibkoodii shaqo ee ay qaranka u hayeen, halka kuwo kalena noqdeen dilaaliin ku kooban oo keliya qandaraasyada eexda iyo qaraabakiilka ah ee Madaxtooyaddu ku laalusho, kuwaas oo aan waxba kala socon xaalada dalka iyo qaabka ay kooxda yare ee talada iyo awooda gacanta ku haysaa wax u wadaan.
Qaabka ayu bibaabmeen heshiisyadu shidaalka Somaliland, baaxadda dhulka loo qoondeeyay shirkaddahaa mid walba iyo sida loogu kala macaashay qandaraasyada la bixiyay , shirkaddaha la siiyay iyo inta jeer ee ay iibiyeen saamiyo, arrimahaa iyo kuwo kale waxaynu kusoo qaadanaynaa mawduucyada danbe.
La soco qaybo kale
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com
www.arraweelo.com
www.araweelonews.com