Garoowe(ANN)Maamul goboleedka xaruntiisu tahay Garoowe ee Puntland ayaa isku khilaafay qaabka loo raacayo gudniinka gabdhaha. Kadib markii muran arrintaa ku saabsan oo dhinaca dhaqanka ahi soo kala dhexgalay  Baarlamaanka Puntland iyo xubno ka tirsan

wasiiradda maamulka Faroole.
Baarlamaanka maamulka Puntland wuxuu hore u ansixiyay gudniinka gabdhaha ee sunniga loo yaqaan in aanuu sharci darro ahayn, kaas  la sheegay  in la waafajiyay Diinta Islaamka iyo sunaha Nebi Maxamed NNKH. Iyadoo uu xiligaa xeerka lagu ogolaaday qaabka loo marayo gudiinka hablaha ee baarlamaanku anixiyay uu meesha ka saaray qaabkii hore ee loo yaqaanay Fircoonoga.
Hase yeeshe Afar Wasiir oo ka mid ah xubnaha Maamulka Faroole ee Puntland ayaa lagu  eedeeyay  inay wadeen qorshe ka hor imanaya xeerka tilmaamaya gudniinka Hablaha ee hore Baarlamaanku u meel mariyay. Wasiirka Haweenka iyo Wasiirka Waxbarashada waxaa lagu eedeeyay in ay jeediyeen qudbado la xidhiidha  in Puntland ay mamnuucday dhammaanba gudniinka gabdhaha oo ay kahayaantay, Balse  Mudanayaal baarlamaanka ka tirsan ayaa dalbaya in Wasiirrada loo qaado cod kalsooni ah, iyagoo ku eedeeyay inay baalmareen xeerkaa Baarlamaanku ansixiyay. Laakiin xubnaha wasiiradda ayaa dalbaday in raali gelin baarlamaanku siiyo, iyagoo ku dooday inaanay arrintu ahayn sida ay mudanayaasha qaarkood ku doodayaan.
Dhinaca kalena mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ka dalbaday inay wasiiraddu bixiyaan raali gelin ku saabsan arrintaa oo ay ka noqdaan wararka arrintaa la xidhiidha ee ay baahiyeen, balse taasi ma dhicin, waxayna xaaladu sababtay muran dhinaca dhaqanka ah oo soo kala dhexgalay xubnaha wasiiradda ah iyo mudanayaasha Baarlamaanka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *