Burco(ANN)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka  Ucid ee Gobolka Togdheer Cismaan Ismaaciil Yuusuf ayaa sheegay  inay jiraan mushkilado ka taagan gobolkaa oo dhinaca waxbarashada Dugsiyada. Hoose oo weli laga qaado lacagtii ay dawladda cusubi joojisay in Ardayda laga qaado. Sidoo kale

 

wuxuu sheegay in dhulka danta guud ee gobolkaa lagu hayo boob cadaan ah, isla markaana aan waxba laga qaban. 
Gudoomiyaha UCID ee Togdheer  Cismaan Ismaaciil Yuusuf oo shalay saxaafada kula hadlay xafiiskiisa, waxa kale oo uu dhaliilay qaabka loo maamulay ciyaaraha gobolada ee ka socda halkaa oo hada geba gebo ku dhow, isoo dhinaca kalena dhaliilay Ururada siyaasada ee dalka lagaga dhawaaqay oo sida uu sheegay ku dhawaaqistooda iyo Ololohoodu wada socdo.
Wuxuuna isagoo ka hadlaya Ciyaaraha ka socda gobolka Togdheer yidhi, “Xukuumaddu waxay u maamushay Ciyaaraha Gobolada,  Gaar ahaan kooxda ku ciyaaraysay Gobolka Togdheer oo lagu soo Xulay 4.5 nidaam xaafadeed, taas oo natiijadeedii noqotay guuldarada kooxdii gobolka togdheer iyo dhibaatooyinka hada ka dhacay Garoonka Burco,masuuliyadeedana ay qaadayso cidii ay xukuumaddu u diratay hawshaa, maadama 8 Gobol isugu imanaysay waxay ahayd inay dawladu wacyi galin ka samayso si aanay dhibaatada loo gaystay ciyaartoyda iyo Booliska u dhicin.”
Mar uu ka hadlayay boobka dhulka danta guud ee uu sheegay in farabaas lagu hayo, waxa uu yidhi, “Dhulkii danta guud ee Gobolkan oo boob wayni ka socdo oo ay ugu danbaysay Dhacdadii wadada ee Baar-siigo ilaa hadana aanay jirin cid loo qabtay danbigaa dhacay oo wali taagan,  dhibaato danbe looga baqayo.”
Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka UCID ee gobolka Togdheer, isagoo ka hadlaya mushilada waxbarashada Dugisyada dawladda ee gobolka iyo  arrinta Ururada siyaasada, waxa uu yidhi,  “ururada ku dhawaaqistoodii iyo ololahoodu isku xigaan waxaan u aragnaa arrin sharciga baalmarsan, dawladduna aanay wax tallaabo ah ka qaadin, ragga waxan wadaana waxay u muuqdaan qaar aan dalka dan ka lahayn balse, ujeedadoodu aanay badankooda ka fogeyn ” beri baan urur ku dhawaaqay”. dhinaca kale, waxay had iyo jeer dawladdu ku faantaa inay waxbarashadda dalka ee Hoose/Dhexe ay bilaash ka dhigeen, waxaan caddeynaynaa inaan waxba ka jirin gobolka Togdheer umadda gobolkuna wada ogtahay ilaa maamulka, markaa wasaaraddan waxbarshada ee gobolkan (Togdheer) ma xamarbaa laga xukumaa!!. “ ayuu yidhi gudoomiyaha UCID ee Togdheer.
Sidoo kale Gudoomiyaha UCID ee gobolka Togdheer, waxa uu xukuumadda ku eedeeyay taloobooyinka lagu cabudhinayo saxaafada, isagoo tusaale usoo qaatay xadhiga weriyaha  Waaheen ee Boorama iyo gudoomiyaha SOLJA, kaas oo saacado kooban markii uu xidhnaa la siidaayay, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda inay ka waantowdo talaabooyinka lagu cabudhinayo saxaafadda Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *