ka dhacay Jaamacadda Hargeysa Ardayda iyo aqoonyahanka ka qaybgalay waydiiyeen su’aalo ku saabsan mawqifkiisa siyaasadeed ee dhabta ah.
Hase yeeshee Prof. Axmed Ismaaciil Samater oo ka cadhooday Su’aalaha dareenkiisa taabtay ee kaga yimi Ardayda iyo aqoonyahanka, wuxuu isagoo dareen cadho leh kaga jawaabaya yidhi, “Anigu uma baahni,mana ogoli sidii waxaan Ilaahay horjoogo in kolba la yidhaa is xisaabi, is-xisaabi, waxaan ahay waan ogohay, waxaan aaminsanahay waan ogahay, qof aan uga baqayaana ma jiro, umana baahni inaan kolba qof yidhaahdo waatan xisaabtaydii, in la hadlana waan hadlay maanta, in la hadlana Ceerigaabo, Gabilay iyo Booramana waan ka hadlay.
Xasan Sheekh Maxamuudna hadalkiisu qof walba fikirkiisa xaq buu u leeyahay, dhaqanka jaamiciyiintana iyo dadka ilbaxana waxa lagu gartaa inaad karti u leedahay inaad dhegaysato oo aad fahanto hadal aan kuu cuntamayn.
Xasan Sheekh Maxamuud xaq buu u leeyahay inuu yidhaahdo inuu caadifad ku tilmaamo dabaaldegii 18 May, anna xaq baan u leeyahay inaan ku idhaahdo waxani xunbo maahee, horena waan u idhi, iminkana waan leeyahay, Xamarna Barlamaankeedaan ka hor idhi, dadka Somaliland waa dadkii qarankii Soomaaliyeed hadyadii ugu weynayd ee Calankii Soomaaliyeed keenay, kuna adkaystay ee yidhi waxaannu rabna inaannu waddankii dhisno, hadday yidhaahdeen taasi way na khaarajin wayday oo la noqdaan xaq bay u leeyihiin, hadyada aad keenaysaan iyo sidaad uga daba tegaysaan idinkay idiin talaabaan idhi Barlamaanka Soomaaliya, marka uma haysto in Somaliland jibo iyo xamasaad tahay, waana taariikh dhab ah,” ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samater oo ka jawaabaayey Su’aal ka mid ahayd kuwa Ardayda Jaamacadda Hargeysa ka tirsan waydiiyeen ee la xidhiidhay mawqifkiisa ku aadan qaranimada iyo Madax-banaanida Somaliland iyo halka uu ka taagan yahay goonni-isu-taaga Somaliland.
Mar kale Prof. Samater oo ka jawaabayay Su’aal gabdh ka mid ah Ardayda Jaamacadda weydiisay oo ku saabsanyd waxyaabaha uu u qabtay Somaliland iyo halka uu fikirkiisii Soomaaliweyn ku dambeeyey, waxaannu isagoo ka jawaabaya taa yidhi, “Horta gabadhan walaashay ah aad bay ugu mahadsan tahay su’aasha, xaqna way u leedahay inay su’aasha noocaas ah I waydiiso.
Somaliland igama xigtid, horena igamaad xigin, iminkana igama xigi kartid, mustaqbalkana igama xigi kartid, taas aynu isla garano, anigu waxaan xaq u leeyahay, horena xaq ugu lahaa, iminkana xaq ugu leeyahay, in raygaygu wuxuu is siiyo inaan cabiro anigoon qof ka baqayn, adna xaq baad u leedahay.
Somaliland maxaad u qabatayna, taariikhda Somaliland may bilaabmin 1991, balse waxay bilaabantay 26 June 1960-kii, waxyaabahaynu u baahanay inaynu kala saarnana waa taariikhda dheer iyo ta dhaw.
Anigu intaan halkan istaago faanimaayo oo odhan mayo waxasaan qabtay, laakiin Camuud dadkii aasaasay baan ka mid ahaa ee dheggaxa dhigay, aniguna xaggayga waxaan u haysta in Camuud ka mid tahay Somaliland, Arday deeqo waxbarasho la geeyeyna waan ka shaqeeyey, taakulayn abaarana waan ka qaybqaatay.”
Prof. Axmed Ismaaciil Samater waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabihii uu ku arkay Somaliland intii uu socdaalka ku maray gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka, waxaannu sheegay in uu soo arkay dal dastuur uu ku dhaqmo leh, xorriyad iyo dawladnimana ku jirto.
“Waxaan soo arkay raaad dawladeed oo meel walba yaala iyo dad is xukumaaya oo daabiyadaha yar yar dadka madaxda u ah iyagoo noo diyaar ah aanu u tagnay. Waxaan soo arkay in la doodi karo oo dadku codkooda dhiiban karaan oo warka la is waydaarsado oo dooda na dhex maray odayaal iyo dhallinyaraba. In ummaddan samaysatay dhaqan lagu wada doodo oo warka la isku waydaarsado waan soo arkay.
Waxa kale oo aan soo arkay caqiido gun dheer oo ku fadhida in la fahmay khayraadka yaala Jamhuuriyadda Somaliland ee mustaqbalka, dadka qudha ka goosan kara ee taladeeda goosan kara inay yihiin dadka u dhashay Somaliland ee muwaadiniinta ah, taana waan soo arkay,” ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samater.
Sidoo kale Prof. Axmed Ismaaciil Samater waxa uu ka hadlay carqaladaha haysta qaranimada Somaliland iyo siyaabaha lagaga gudbi karo, isagoo yidhi, “Yaynaan ku sakhraamin guulahaynu helnay, haddii hore loo soconayo oo jiilba jiil u dhiibaayo farriin waxa la dhisaya waddan badhaadhe ah oo intan ka sii fog.
Waxa ina hor yaala in la kala saaro wali way isku qasantahaye, dawladnimada iyo qabiilka waa caqabad ina hor taala, waxaanan waliba aad uga fahmay in qadiyadaasi tahay mid miiska taala, sidaa darteed qaran iyo qabiil ha la kala saaro oo ii abtiri oo aniga iyo adiga isku dan ah inta kalena ha burburto iyo dawlad isma geliyaan, waana waxa Soomaaliweyn baabiisay arrintaasi.
Waa in caddaalad meel walba lagaga dhaqmo oo dawladdu caddaalada ku dhaqanto dhinaceeda, shacabkuna dhinacooda caddaalad kaga dhaqmaan, waxaana markhaati kac ah in caddaaladdu ay tahay warran taagan.”
Prof. Axmed Ismaaciil Samater wuxuu shacabka u soo jeediyey in dulmiga laga daayo beelaha la hayb-sooco, isagoo arrinta ka hadlayana wuxuu yidhi “Waxa ii yimi shalay salaadiinta iyo madaxdagabooyaha, xannuun haya dartii ilma ka da’aysa, wax kalana maahee waxay leeyihiin gunimo aanan galabsan, una qalmin in nala saaro maaha, Jamhuuriyadduna waxay noqonaysa mid gubata oo nacdasha Ilaahay ku dhacdo, haddii aan si fiican loo hagaajin, anna waan ku raacsanahay, mana soconayso in shaqadoodana loo bogo, markay talo noqotana la yidhaa xagga dambe fadhiista midgaad tihiine, islaanimana maaha, Somalilandernimana maaha.
Qabiilka waxa lagaga adkaan karaa in hawlkarnimada la eego oo qofka sida uu shaqada uga adag yahay loo qaato oo laga tago habar hebel iyo haber hebel. Dariiqada ugu weyn ee faqriga ina hortaagan lagaga hortagi kara waa in shaqo abuuris la sameeyo, haddii aad shaqo abuurtina waxaad ka hadlaysa inaad dad dhisto, markii aan soo warraystay ee aan intii aqaanay arkay waxaan isla gartay in waddooyinka dalka haddii aan waxba laga qaban, shaqo ma soconayso.”
Prof. Axmed Ismaaciil Samater wuxuu ka hadlay aqoonsiga Somaliland iyo siyaasadda arrimaha dibadda, waxaannu yidhi; “Arrinta kale ee ina hortaala haddaynu nahay dadka reer Somaliland waa siyaasadda arrimaha dibadda, madaxda iyo dhallinyarada waddankaba waannu is aragnay, waxaannu waddankani si deg deg ah ugu baahan yahay inuu xidhiidho caalami ah samaysto, mana noqonayso ha nala aqoonsado oo ma soconayso, sababtoo ah waa inaynu ka hadalnaa sidaynu u raadsana in la ina aqoonsado, maxaynu u baahanahay inayno qabsado si ummadda adduunku inoogu timaaado, innaguna ugu tagno, laakiin waa waxaynu u baahanay inaynu iskaashi samayno.”
Adduunyadu mafaatiix waaweyn, kuwo dhexe iyo mid yar yar ayey leedahay, ugu horrayntiina waa inaad garata mafaatiixda waaweyn halkay yalaa iyo sida loo soo qaato ee aanad ku mashquulin kuwa yar yare ee aan waxba kuu furayn.”
Prof. Axmed Ismaaciil Samater wuxuu sheegay inuu shacabka Somaliland u daymaysan yahay oo uu qadiyadooda ka shaqyan doono, waxaannu yidhi; “Waxaan halkan ka tegaya, marka wakhtigaygu dhammaado anigoo dhabarka iga saraantahay oo sita dayn qurux badan, laakiin culus, sidaan daynkaas uga soo baxayana anigay i jirta, abaalkay igu leeyihiin waalidkayga iyo dadkii halkan I soo gaadhsiiyey waxa soo raacay dayn kale oo aad u culus, laakiin qurux badan.” Ayuu yidhi Prof. Samatar oo sidoo kale jawaabo ka bixiyay su’aalo ku saabsan sida loo horumarin karo Somaliland, kuwaas oo uu si qoto dheeri iyo aqoon ka muuqato uga jawaabay.