Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu magcaabo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Kadib markii Xeer Ilaaliyihii hore kasoo laaban waayay safar uu ku tegey dalka Britain.

Hadal haynta Magcaabista Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa soo baxday maalmihii u danbeeyay, iyadoo wararka qaar sheegayaan in ay suurta gal tahay in Madaxweyne xilkaa u magcaabo Garyaqaan Cismaan Ibraahin Daahir (Fanax), oo  xilal badan kasoo qabtay Garsoorka, isla markaana Guddoomiye kasoo noqday Maxkamaddaha gobolada Saaxil iyoTogdheer, waqtigana ka tirsan Garsooreyaasha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa).

Inkasta oo aanay jirin warar rasmi u soo baxay oo la xidhiidha magacaabistaas, haddana ila-wareedyo kala duwan oo dhow dhow qasriga Madaxtooyadda ayaa tibaaxaya in la filayo in Madaxweyne Siilaanyo uu Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka u magacaabo Garyaqaan Cismaan Ibraahin Fanax.

Sidoo kale wararku waxay  intaa ku darayaan inuu jiro qorshe Xukuummaddu xilka kaga qaadayso Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan oo muddo toddoba billood ah ku sugan dalka Ingiriiska oo xaalad caafimaad loo geeyay, balse aan dib uga soo noqon, iyadoo wararka qaar sheegayaan inuu sugayo sharci deganansho ah. Sidaa darteed aanay suurta gal ahayn inuu kusoo laabto dalka waqtigan

Sababta xil-ka-qaadista Xeer-ilaaliyaha Guud ayay wararku sheegayaan inay salka ku hayso in iyadoo xilli xasaasiya lagu gudo-jiro shaqadiisii ay soo waajahday baylah iyo debecsanaani, taasoo ay wararku tibaaxeen inay soo dedejin karto xil-ka-qaadistiisa.

Ma jiro war rasmiya oo Xukuummadu ka soo saartay xil-ka-qaadista iyo Masuulka la hadal-hayo toona, hase-yeeshee, ilaha u dhuun-daloolaa waxay tibaaxeen in jagadaas loo magacaabi doono Garyaqaan Cismaan Ibraan Bulaale (Fanax), oo caan ku ahaa xukunnada kooxaha Budhcad-badeeka laga soo qabto xeebaha kala duwan ee Somaliland iyo argagixisadii dilalka qorshaysan ka fuliyay magaalada Laascaanood iyo kuwo kale, xilligii uu ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Saaxil oo fadhigiisu ahaa magaalada Berbera ee xarunta gobolkaas, waxaanay reer Berbera ku naanaysaan “Xaakinka Budh-cadda iyo Argagixisada.

E-mail jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *