Prof. Maxamed Siciid Gees oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee reer Somaliland, ayaa qoraalkiisa taxanaha ah ee Dharaaro Xusuustood ku soo bandhigay sheeko
dhexmartay marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Ismaaciil Cumar Geelle, mar wefti marxuum Cigaal hoggaaminayey socdaal ku tagay dalka Jabuuti sannadkii 1998-kii.
Prof. Gees oo qormo toddobaadle ah oo Khamiis kasta soo baxda, aya qaybta 26aad ee qormadaas kaga hadlay safar marxuum Cigaal iyo wefti uu hoggaaminayey ku tageen Jabuuti 1998-kii, isagoo soo qaatay hadal uu marxuumku xilligaas jeediyey oo uu kaga hadlay duruufaha kala duwan ee soo maray muddadii uu siyaasadda ku jiray.
“Horraantii sannadkii 1998, ayaa wefdi uu hoggaaminayey Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal booqasho ku tagay Djibouti, waxa wafdigii gurigiisa ku martiqaaday Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo aan markaas Madaxweyne u ahayn dalka Djibouti, balse ahaa madaxa Hay’adda Sugidda Nabadgelyada.
Wafdigaas waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Mudane Axmed Maxamed Maxamed (Siilaanyo) oo markaas ahaa Wasiirka Maaliyadda, Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mudane Cali Sheekh Aareeye oo ahaa Wasiirka Dhaqanka iyo aniga oo ahaa Wasiirka Qorshaynta.
Marxuum Cigaal ayaa sheekeeyey oo yidhi; “Ismaaciilow, dadku waxay u haystaan inaan ahay nin ayaan badan; marka ay arkaan aniga oo madaxnimada ku soo noqnoqonaya, haseyeeshee anigu waxan isu arkaa nin ayaan-darran. Waxa aan dadkayga hoggaamiye u noqday aniga oo nin dhalinyaro ah (31 jir), waxa xukunka ila wadaagay Odayaal iga da’weyn. Markii aan idhi; ‘Waar yaan lagu degdegin is-raaca Soomaaliya ee horta aan innagu wax dhisanno,’ waa la igu diiday oo la yidhi innankan yari inuu halkan nagu haysto oo nagu xukumo ayuu rabaa.
Haddana waxa xukunka ila wadaaga niman dhallinyaro ah oo aan ka da’weyn ahay. Marka aan idhaahdo waar goonni-isu-taagga aan siyaasad kale u marno; waa ay ka boodaan oo waxay yidhaahdaan Muqdisho iyo Soomaali-weyn ayuu wadaa.” Akhristow arrinta hore waa la arkay cidhib-xummadeedii, arrinta labaad taariikhda ayaan u daynaynaa,” ayuu Prof. Gees ku yidhi qoraalkiisa.
Waxa kale oo qoramada Dharaaro Xusuustood ku soo qaatay toddobaadkan warbixin qoraa u dhashay dalka Ingiriisku ka diyaariyey doorasho Somaliland ka dhacday sannadkii 1960-kii iyo aragtida xisbiyadii xilligaas ku loolamayey siyaasadda, waxaannu qoraalkiisa ku yidhi; “Warbixintan uu Khawaaje Biritish ihi ka diyaariyay doorashaddii ka dhacday Somaliland sannadkii 1960 iyo aragtidii xisbiyada iyo siyaasiyiinta ku loollamay oo aan soo turjumay bal dheeho. Waxay mugdiga ka saaraysaa waxyaalo laga sheegi jiray xisbiyadaas iyo siyaasiintaas hore marka laga hadlayo isu-taggii aan la mahadin iyo siyaasadda dalalka reer Galbeedku cidda ay mudnaanta siiso oo ay wax ku qiyaasto marka laga hadlayo Geeska Afrika mar hore iyo mar dambeba ilaa maanta.
Doorashadii Golaha Xeer-dejinta ee Maxmiyadda Somaliland
1. Doorashaddii Golaha Xeer-dejinta waxa la qabtay bishii February 17-keedii, halkaas oo lagu tartamayey 33 kursi oo golahaasi ka koobnaa. Waxa tartamayey laba is-bahaysi oo xisbiyo siyaasadeed ah. Isbahaysiga koowaad waxa uu ka koobnaa: National United Front (NUF) iyo Somali Youth League (SYL). Isbahaysiga labaad waxa uu ka koobnaa Somali National League (SNL) iyo United Somali Party (USP).
2. Natiijadii doorashaddu ma ay noqon tii la filayey. Waxa maamulka Dawladda Maxmiyaddu u haysteen in Xisbiga (NUF) oo uu hoggaamiye u ahaa Michal Mariano oo ahaa nin masiixi ama Kiristaan ihi inuu ku guulaysanayo doorashadda. Ninkaas oo xidhiidh dhow la lahaa madaxda maamulka ka taliya Maxmiyadda Somaliland, waxase muuqatay in xisbiga SNL ku soo aaray ,taas oo dhalisay in Badhasaabku uu sheego in xisbigani uu aad u cadcad yahay oo guushu raaci doonto. Is-bahaysigii SNL/USP waxa uu ka helay 33kii kursi, 32 kursi, waxa uu coddeeyey afartii meeloodba saddex (3/4). Gaar ahaan xisbiga SNL waxa uu helay aqlabiyadii kuraasida keli ahaantii, kuwaasoo ahaa 20 kursi. Badhasaabkii waxa uu ka magacaabay is-bahaysigii SNL/USP, afar Wasiir iyo Wasiir-ku-xigeen. Waxa ay yeesheen aqlabiyaddii Golaha Fulinta ee Maxmiyadda.
3. Ma kala duwanayn barnaamijyada is-bahaysiyadu ama xisbiyadu. Labada qoloba waxay u ololaynayeen in lagu darsamo ama lala midoobo Soomaaliya iyo in la raadiyo Soomaali-weyn. Michal Mariano iyo saaxiibadii ayaa xidhiidh dhow la lahaa xukuumadda Soomaaliya, kuwaas oo filayey in xisbiga NUF uu ku guulaysanayo doorashadda.
Xisbiga SNL waxa isaga lagu sheegi jiray inuu la haysto Masar iyo Qaahira, arrintaas oo ay ku eedayn jireen qolada ka soo horjeeddaa, haseyeeshee isla markaana iyaga ayaa xoogaa ka macquulsanaa oo ka debacsanaa marka laga hadlo xidhiidhka Itoobiya. Sababta oo ahayd xisbiga SNL oo taageero weyn ka heli jiray ganacsatada ama tujaarta reer Berbera oo danaynayey gancsiga ay la leeyihiin Itoobiya. Waxa kale oo jirta in Wasiirradooda mid ka mid ihi uu ilaa dhowaan ka mid ahaa shaqaalaha dawladda Itoobiya.
4. Caddaymaha aragtida siyaasadeed ee aan ilaa hadda ka haynno qolada guulaysatay waa kuwa dhiirirngelin leh. Doorashadda ka hor hoggaamiyaha SNL Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu u sheegay diblomaasi ka tirsan Qunsuliyadda British-ku ku leeyahay Muqdisho in xidhiidhka ka dhexeeya dawladda Soomaaliya aannu fiicnayn. Waxa uu yidhi, “Haddii aannu ku guulaysano doorashadda waxa aannu ku dedaali doonnaa in aannu hagaajinno xidhiidhka naga dhexeeya qolada reer Soomaaliya.”
Waxa kale oo uu faq ugu sheegay Badhasaabka dharaaro dhowayd intii la doortay, arrimo aad u macquul ah, waxaannu yidhi; “Inkasta oo midawga loo baahan yahay ma ah in lagu degdego ee waa in hadba tallaabo loo qaadaa. Haddii degdeg la isugu darsado waa nala qashiinsanayaa oo nala ku leefayaa, waayo waa naga waayo-aragsan yihiin dhinaca siyaasadda iyo is-maamulka.
Sidaas darteed, sannadka dambe heshiisyo ku kooban dhinacyada kastamada iyo socdaalka ayaan wada gelaynaa. Midawgu iyo isku darku ha sugu ilaa dhammaadka sannadka 1962. Waxa kale oo uu qabaa in tallaabooyin hore ay u sii qaado Somaliland dhinaca dastuurka iyo siyaasadda is-maamulka oo la magacaabo Wasiir koowaad (Prime Minister).
Waxa kale uu u qabaa in maamulka ay gacanta kula si jirto dawladda British-ku oo Xoghayaha Guud ee Maxmiyaddu oo ahaa nin Ingiriis uu sii hayo Arrimaha Dibadda iyo Difaaca. Uma muuqan Cigaal nin ku degdegsan in maxmiyaddo qaadato xoriyad hadda iyo inay xubin ka noqoto Ururka Barwaaqa-sooranka (Commonwealth).
Dhinaca xidhiidhka Itoobiya waa uu danaynayaa in Itoobiya Qunsuliyad ka furato Hargeysa, balse horta in la wada xidhiidho marka hore ayuu qabaa. Ma qabo in la soo hadal qaado Qunsilyadda arrimaheeda ilaa la wada hadlayo.
5. Warbixintan kalma aan tashan Xafiiska Isticmaarka ee British-ka, waxanse rajaynayaa inay suurtagal tahay in la helo aragtida ay ka qabaan arrimaha halkan lagu soo qaaday.”
(H.F.T. Smith) – March 1, 1960.