Burco(ANN) Nin dhalinyaro ah ayaa caawa fiidkii lagu toogtay goob istaan ah oo ay ka baxaan gaadiidka u baxa dhinaca magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay dad ku dhow dhow ehelada Ninkaa
oo ku sugan magaalada Burco.
Ninka la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed C/llaahi Caydiid oo qiyaastii dhawr iyo sodon jir ahaa, wuxuuna waqtigaa ku sugnaa goobta istaanka ay ka baxaan gaadiidku oo uu ka shaqeeyo, halkaas oo sida ay wararka laga helay dadkii goobta ka dhowaa sheegeen in Nin aan weli la aqoonsani xadab Afsaar ah kaga dhiftay shafka, taas oo wadnaha kala baxday. Sidaana uu ku geeriyooday marxuumku.
Ninka toogashada dilka geystay ayaa carary markii uu fuliyay falkaa, waxayna dadka goobta ka dhowaa isku dayeen inay qabtaan, balse uma ay suurta gelin. Lama garanayo ujeedada dilkaa, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu marxuumku ahaa Ninkii sheegay Nin dhowaan ka baxsaday ciidanka Bilayska oo sitay shandad ay ka buuxeen sida la rumaysan yahay waxyaabaha qarxaa. Ciidamada bilayska ee magaalada Burco ayaa l sheegay inay raadinayaan Ninkaa.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380