Djibouti(ANN)Golaha dastuurka Djibouti ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashooyinkii Baarlamaanka ee dalkaa ka dhacay bishii hore. Xisbiga talada haya
ayaa helay 55 kursi halka mucaaradku heleen 10 kursi.Natiijada Doorashada ayay hore mucaaradku u qaadaceen, isla markaana waxay sheegeen in aanay aqbalayn marnaba natiijada doorashada iyagoo ku doodaya inay xukuumaddu ku shibatay oo la musuq-maasaqay .
Dhinaca kale ku dhawaaqista natiijada doorashada ayaa kusoo beegantay, iyadoo manta maxkamad ku taalla magaalada Djibouti la hor geeyay Daahir Axmed Faarax (Daaf)oo ahaa hoggaamiyaha mucaaradka USN, kaas oo lagu eedeynayo inuu abaabulay banaanbax ay sameeyeen mucaardka iyo taageerayaashoodu markii ay soo baxday natiijadii hordhaca ahayd bishii hore.
Sidoo kale dhawaaqa natiijada ayaa kusoo beegmay . kadib markii maxkamad ku taal dalka Djibouti xukun dhawr sanadoo ah ugu riday sadex wadaad oo ka mid ahaa axsaabta mucaaradka, kuwaas oo ka qaybgalay tartankii doorashada.
Tirada kuraasta mucaaradku heleen ayaa noqonay tii ugu badnayd ee ay helaan mucaaradku taariikhada dalka Djibouti.