araweelonewsHargeysa(Araweelo News Network)Mustajaamaca magaalada Hargeysa ayaa maanta si weyn loogu qaadaa dhigay Khudbadii Jimcaha dhibaatooyinka Talaalka iyo masiibooyinka Bulshada Somaliland ay kusoo kordhiyeen

 

isticmaalka Aaladaha Internetka iyo Mobolida iyo sidoo kale Telefishanada.
Khadiibka Tujiya Masjid jaamaca Hargeysa Sheekh Cabdiraxamaan Yaasiin, ayaa khudbadii Jimacaha kusoo qaatay masiibooyin uu sheegay in ay haystaan bulshada Somaliland, wuxuuna si gaar ah usoo qaatay Talaalka inta badan Hay’adduhu ka fuliyaan dalka oo uu sheegay in kharash malaayiin dollar ah lagu lumiyo, isla markaana aan la ogayn waxa dad lagu talaalayo oo sida uu sheegay aan baadhitaan lagu samayn kharaaha ay keeni karaan , ama ay Bulshada geyaysiin karaan, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaad maqlaysaa Hay’addo ayaa caruurta Talaalaya, ma garanayno waxay ka talaalayaan, waxay leeyihiin xanuuno ayaa laga Talaalayaa, waxayse is weydiintu tahay in ay cuduro ku talaalayaan yaa inaga baadhay.
Aniga Caruurtayda weligeed lama Talaalin, wayna caafimaad qabaan Illaahay mahadii, kuwo la leeyahay waa la talaalalay iyagaa ka caafimaad wanaagsan, waxa loo baahanyahay in dadku ilaashaadaan dalkooda iyo diintooda.” Ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Yaasiin.
Sheekh waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatada Internetka iyo Mobiladu kau hayaan dhaqanka Bulshada, isagoo sheegay in ay astaan u yihiin sida loogu soo duulay dhaqanka iyo diinta dadkan iyo dalkan, isla markaana loo baahanyahay in laga feejignaado xumaanta oo dhan, taas oo uu sheegay in isticmaalka Aaladaha cusub ee dhinaca Internetka, Mobilada iyo Telefishanadu qayb weyn ka noqdeen dhibaatooyinka dhaqan xumadda ee ku faafaya Bulshada, wuxuuna tusaale usoo qaatay masiibadii ka dhacday magaalada Hargeysa ee lagu khaarajiyay Alla ha u naxariistee Ruqiya Siciid Ayaanle oo ahayd Haweenay ganacsato ah oo si foolxun loogu khaarajiyay guri ay degaynd Muna oo ahayd haweenay ay ka doonatay lacag ay ku lahayd, taas oo iyada iyo qoyskeedu markii ay si waxashnimo ah u dileen ku rideen god ay ka qodeen gurigooda dhexdiisa.
Sheekh Cabdiraxaan Yaasiin waxa uu sheegay oo khudbadiisa kusoo qaatay dilkaa foosha xun oo uu sheegay in dunida oo dhan laga daawaday, isla markaana uu ceeb ku yahay dhaqanka Islaamka in falal sidan oo kale ah lagu arko bulshada dhexdeeda.
Sidoo kale inta badan Masjidada magaalada Hargeysa ayaa maanta Culimadu kusoo qaateen dilkaa foosha xun iyo dhaqamada xun xun ee kusoo kordhay Bulshada, waxayna usoo jeediyeen xukuumadda in dilalka sidan oo kale loo raaco qisaasta shareecada Islaamku sheegtay, isla markaana loo baahanyahay in la fuliyo xukumadda dilalka ah ee aan dadka xabsiyada lagu hayn.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *