http://arraweelo.com/wp-content/uploads/2014/03/Erdogan1-300x168.jpgAnkara(Araweelo News Network) Dawlada Turkiga ayaa gebi ahaanba mamnuucday isticmaalka shebekaddaha caalamiga ah ee  Facebook iyo Youtube oo si weyn mujtamaca aduunku ugu xidhiidhaan. Rai’salwasaaraha

 

Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dowladiisu ay mamnuucayso isticmaalka shebekaddaha Caalamiga ah ee bulshadu ku xidhiidho ee Facebook iyo YouTube.

Raysal Waasaraha Turkiga ayaa talaabadaa ay dawladiisu ku mamnuucay shebekadahaa sabab uga dhigay in labada barood isticmaalkoodu cabsi galinayo xukuumadiisa.

Talaabada Recep Tayyip Erdogan xukuumaddiisu ku joojinay isticmaalka barahaa ayaa kusoo beegantay maalmo ka dib markii lagu soo bandhigay shebekaddaha Facebook iyo Youtube Eedeymo musuq-maasuq oo ka dhan Erdogan, kuwaas oo si weyn loogu baahiyay internetka gaar ahaan barahaas oo ah kuwa bulshadu ku xidhiidho.

Sidoo kale eedaymaha loo jeediyay Raysal Wasaaraha Turkiga waxa ka mid ahaa cod talefoon ah oo la sheegay in laga duubay Rai’slwasaaraha iyo wiilkiisa oo ka hadlaya siday u qarin lahaayeen lacago malaayiin doolar ah oo lagu sheegay in ay ahaayeen kuwo la doonayo in la lunsado, balse Raysal Waasaare Recep Tayyip Erdogan ayaa ku tilmaamay arrimahaa kuwo been abuur ah oo la sameeyay oo ay cadowgiisa soo dhigeen baraha bulshada, isla markaana ay talaabo ka qaadayaan kuwa sameeyay waxa uu ugu yeedhay been abuurkaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *