Kenyan election: Uhuru Kenyatta ahead as results begin to come inNairobi(ANN)Dawlada Britain ayaa iska fogaysay eedayn la xidhiidha faragelin ay ku hayso natiijada doorashada ka dhacday dalka Kenya ee weli laalan, taas  oo abuurtay wer wer iyo cabsi badan. kadib markii ay waxba kama jiraan noqtay balan qaad

ay ku sheegeen xalay inay Arbacada maanta 6 March 2013 shaaciyaan gudida doorashooyinku natiijada doorashada sadex maalmood ka hor ka dhacday dalka.

William Ruto oo ka tirsan Xisbiga Isbahaysiga Jubilee ee uu musharaxa ka yahay Uhuro Kenyaata, ayaa si weyn ugu eedeeyay dawlada Britain inay faraha kula jirto sidii ay wax uga bedeli lahayd natiijada doorashada dalka Kenya, isagoo si gaara farta ugu fiiqay Dr Christian Turner oo ka mid ah gudi ka kooban afartan xubnood oo isugu jira Goobjoogayaal madaxbanaan iyo dublamaasiyiin kormeerayay doorashada oo ka socda Britian, kuwaas oo isu qaybiyay dhamaan gobolada dalka mudadii doorashadu socotay.

Siyaasiga William Ruto, wuxuu Britain ku eedeeyay inay Komishanka doorashooyinka Kenya faragelin ku samaysay, taas oo sida uu sheegay sababtay in aanay  ilaa hada ku dhawaaqin natiijada doorashada, isagoo calaamatu su’aal saaray sababta dawlada Britain u keentay Kenya in ka badan 10, 000  askari, kuwaas oo doorashada ka hor la keenay dalka.

Sidoo kale Musharaxa Uhuro Kenyaata oo la ishaarayay in wixii ka horeeyay habeen hore inuu hogaaminayo doorashada Madaxtooyada ayaa si weyn u dhaleecayay dawlada Britain, isagoo ku tilmaamay inay doonayaan inay duudsiyaan xuquuqda codbixiyayaasha dadka reer Kenya, isla markaana kala qaybiyaan dalka.
Uhuro Kenyaata oo warbaahinta reer galbeedku ku sunteen eedaha denbiyada xasuuqa ka dhanka ah bini’aadanimada ee doorashooyinkii 2007, ayaa si weyn uga cabsi qaba hada in ay wadamada reer galbedku hor istaagaan haddii ay guusha doorashadu dhiniciisa u janjeedhsanto, iyadoo Uhuro Maxkamadda denbiyada dagaalka hore saman looga soo gudbiyay, waxayna hogaamintii uu hogaaminayay natiijada hordhaca ah calaamatu su’aal saartay mustaqbalka dalka Kenya.

Mr. Uhuro, wuxuu dawlada Britain ku eedeeyay inay dalka soo gelisay ciidamo British ah, kuwaas oo sida uu sheegay aan ujeedadooda  iyo sharciyadooda ay ku galeen gudaha dalka kenya la ogayn ilaa hada, balse qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha debeda Britain ayaa lagu sheegay in aanay waxba ka jirin eedaha iyo canbaaraynta Isbahaysiga Jubilee ee uu hogaamiyo Uhuro Kenyaata.
Sarkaal u hadlay Xafiiska arrimaha debeda ee Britain ayaa sheegay in natiijada doorashada Kenya ay u taal Kenyaanka cida go’aanka lihina ay tahay Gudida doorashada iyo Maxkamadda ee aanay ahayn dawlada Britain, wuxuuna sarkaalka u hadlay xafiiska arrimaha Debeda sheegay in Ciidamada Britain ay yihiin saraakiil tababar dhinaca amaanka ah siinaysay ciidan loo tababaray Kenya, isla markaana ay dalka ku yimaadeen sifo sharci oo ay ka war hayaan wasaaradda arrimaha debeda ee Kenya iyo wasaaradda gaashaandhiga.
Britain waxay sheegtay in ciidamada ay leedahay ee tababarka bixinayay gaadheen Kenya sagaal bilood ka hor doorashada. sidaa awgeed waxay ku tilmaantay dhaleecaynta Uhuro mid aan waxba ka jirin.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Kenya Mr. Isaaq Xasan ayaa sheegay inay doonayaan inay soo saaraan natiijo sax ah, sidaa awgeed sababaha dib u dhaca keenay ayuu ku macneeyay markii goobaha dalka qaarkood uu shaqayn waayay qalabkii ay adeegsanayeen, isla markaana ay gebi ahaan codadka dib u tirinayaan oo ay hubinayaan, wuxuuna balanqaaday inay maalinta Jimcaha ku dhawaaqayaan natiijada rasmiga ah ee Doorashada Madaxtooyada, isagoo ugu baaqay dhinacayada tartamayay iyo dadweynaha inay sugaan natiijada rasmiga ah.

Natiijada doorashada ee dib u dhacu ku yimi ayaa abuurtay dareen walaac leh iyo cabsi laga qabo inay xaaladu faraha ka baxdo, waxaana 24 saacadood ee u danbeeyay shiiqay dhawaaqii mala awaalka ahaa ee natiijada  codadka la tiriyay oo si weyn loo hadal hayay inuu hogaaminayo Uhuro Kenyaata, iyadoo taa bedelkeedana ay sabaxayaan warar sheegaya inuu doorashada natiijada rasmiga ah ku guulaysanayo siyaasiga raysal wasaaraha hore u ahaa Odinga oo tartanka u weyni dhexmaray ninka ay iska soo horjeedaan ee Uhuro Kenyaata oo ka mid ah shaqsiyaad loo haysto denbiyo xasuuq oo ka tirsan siyaasiyiinta Kenya, taas oo wadamada reer gabeedka ku abuurtay walaac weyn markii natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada madaxtooyada ay soo baxday inuu hogaaminayo Uhuro oo ah nin madax adag oo kasoo jeeda qomiyada ugu badan dalka.

si kastaba ha ahaatee dib udhaca natiijada doorashada dalka kenya ayaa saamayn ku yeelatay ganacsiga dalka iyo dhaqdhaqaaqa isu socodka magaalooyinka iyo xaalada amaanka, iyadoo laga cabsi qabo inay xaaladu faraha ka baxdo oo ay taageerayaasha qaar bilaabaan rabshado,  Magaalooyinka Mombasa iyo Kizumu ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee laga filan karo in ay rabshado ka bilaabmaan marka lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *