Members of the U.N. Security Council vote on a draft resolution Saturday, Oct. 14,  2006New York(ANN)Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in qeyb ahaan la qaado xayiraada hubka ee dalka Soomaaliya muddo sanad ah. kadib markii ay xubha golaha amaanku kulan ka yeesheen cunaqabataynta hubka ee Somalia.

 

 

Qaraarkan cunaqateynta lagu qaaday Somalia oo tirsigiisu yahay 2093, waxa taageeray 15 dowladood oo xubno ka ah golaha amaanka.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay in cunaqateynta hubka la qaado si ay u dhisto, isla markaana u tayayso ciidankeeda, waxaana talaabadaa ku taageeray dowladda Maraykanka, balse qaar ka mid ah wadamada xubnaha ka ah golaha amaanka ayaa diiday in xayirada hubka laga qaado

 

Somalia.

Golaha Amaanku wuxuu ogolaaday in hubka fudud laga iibin karo ciidamada Soomaaliya si dib loogu dhiso, isla markaana maamulka dowladda lagu baahiyo goobaha dhawaan laga qabsaday kooxaha Islaamiyiinta Al-shabaab.

 

Cunaqabteynta hubka waxaa Soomaaliya la saaray sannadkii 1992, sannad ka dib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaad Barre.

 

Golaha Amnigu wuxuu sidoo kale ogolaaday in howlgalka ciidamada Midowga Afrika wakhtiga loo kordhiyo tan iyo ilaa dhammaadka bisha Febraayo 2014.

 

Dhinaca kale Hey’adda u Dooda  Xuquuqul Insaanka ee lagu Magacaabo Amnesty International ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay  hore uga digtay in xayiraadda dhinaca hubka ah lag qaado Soomaaliya.

 

 

Gemma Davies oo ah madaxa Hay’ada  Amnesty International ayaa xayiraadda dhinaca hubka ka saaran soomaaliya ku sababeeyay suurtagalnimad Qatar ama dhibaatooyin bini’aadanimo oo ka dhalan karto Hubkaasi.

 

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa cunaqataeen dhinaca hubka ah Soomaaliya ku soo rogay 1992-dii kadib markii Xukuumada dhexe ee Soomaaliya ay meesha ka baxday. 1991-dii.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *