Ceergaabo(Arraweelo News) Muran iyo khilaaf ka dhashay qaabka loo qaybinayo Raashinka Caawimada dhowaan dawlada Turkigu bixisay ee saamiga laga siiyay gobolka
Sanaag ayaa sababay in gacanta loola tago Badhasaabka Gobolka. Kadib markii khilaaf ka dhashay qaybinta Raashinka iyo habkii loo maamulay oo abuurtay sawaxan.
Dad goob joog ah ayaa u sheegay weriye ka tirsan shebekaddaha Arraweelo News in Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Muxumed Geele ay isku maandhaafeen raashinka xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Ceergaabo, kuwaas oo uu doonayay in talaabao laga qaado, isagoo ku eedeeyay inay lunsadeen raashinkii Caawimada ahaa ee dadka Masaakiinta la doonayay in la gaadhsiiyo, balse Muran ayaa dhexmaray Boqor Maxamed Nuux oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Ceergaabo, taas oo keentay in uu dhirbaaxo Badhasaabka gobolka oo xiligaa oo doonayay in talaabo laga qaado xildhibaanada.
Sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha dhacdadaa waxa goobta lagu fara saaray Badhasaabka taagnaa Taliyaha Booliska Gobolka Sanaag oo aan wax Talaabo ah ka qaadin arrintaa.
Madax-dhaqameedka ayaa sida ay weriyaha u sheegeen dadka goobtaa joogay diidanaa in talaabo laga qaado ilaa todoba xildhibaan oo lagu eedaynayo inay ku kaceen musuq-maasuq iyo wax isdaba marin la xidhiidha raashinka gargaarka ah ee la doonayay in lagu caawiyo dadka danyarta ah.
Arrintan ayaa debeda u soo saartay inuu jiro musuq-maasuq iyo in la lunsaday raashinkii caawimada ahaa ee gobolka marka laga reebo Degmooyinka qaar sida Ceel-afweyn, Gar-adag iyo Badhan oo midiiba dhawr todobaad ka hor loo diray 4,000 kiish, iyadoo aan la ogayn in dadkii loo qorsheeyay uu gaadhay raashinkaasi iyo in la leexsaday.
Balse waxa jira cabashooyin isa soo taraya oo la xidhiidha qaabka loo maamulay saamiga raashinka caawimada dawlada Turkigu bixisay oo la filayay in la gaadhsiiyo dadka jilicsan ee masaakiinta ah.