Hargeysa(Araweelo News Network) Muj. Xasan Ciise Jaamac oo ahaa gudoomiyaha Ururkii hadhay ee Xaqsoor, isla markaana ka mid ahaa hogaamiyayaashii Ururkii SNM, waqtigana ka mid ah
Siyaasiyiinta ku dhawaaqay Madasha Wada-tashiga ayaa ka hadlay weerar uu sheegay in lagu qaaday Xildhibaan Qabile oo ka tirsan Golaha wakiiladda Somaliland, kaas oo habeen hore sheegay in rasaas lala beegsaday iyo sidoo kale gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo sheegay in Mdaxtooyadda Somaliland u hanjabtay.