-
Published On: Sat, Mar 27th, 2010

Muj. Muuse Biixi Oo SheegayIn Somaliland & Somalia Ay Kala Yihiin Laba Dal Oon La Isku Khaldi Karin

Smiley face
Share This
Tags

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Somaliland iyo Somalia ay yihiin laba dal oo kala madaxbanaan, tilmaamayna inaanay xaq ahayn in Somaliland caalamku la sugo somaliyada colaadaha dagaal ka socdaan, oo uu sheegay in 1960-kii ay kala ahaayeen laba dal.

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ah hogaamiyayaasha sadexda xisbi ee dalka Jabuuti kulamada kula yeeshay diblomaasiyiinta dawlada maraykan ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen saraakiisha maraykanka.

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ugu horayn la waydiiyey arrimihii ugu mihiimsanaa ee ay kaga wada hadleen, ayaa waxa uu  kaga jawaabay “waxa ugu mihiimsanaa oo ay danaynayeen oo ay nagala hadleen  1: Somaliland goormay doorashadii ka dhacaysaa, siday doorashadu u qabsoomaysaa oo aad u aragtaan oo aad ku talo bixinaysaan inay noqoto doorasho nabad galyo ku dhacda oo aan hadhawna la isku qab qabsan oo aan dhibaato ka iman, oo aan waxyeelin nabada dalka 2: Nabad galyada mandaqada imika oo ay yidhaahdeen idinkana waa idiin dan oo waa ku nooshihiin, anaguna hadaanu nahay dawladaha maraykanka iyo aduunka nabadaa noo dan ah, labadaas baanu talo isku waydaarsanay wixii su,aalo iyagu ay ka lahaayeen iyo sidii anaga ay noogula muuqatayba”

S: Xisbiyadii mucaaridka ahaa iyo xisbigii talada hayey iyo sadexdii ergooyinka ahaa ayaad labada sarkaal la kulanteen miyaa, arimaha aaad ka wada hadasheen maxaad nooga sheegi kartaa?

J: Horta imika aduunka ma jiro wax qarsoon waxaanu ka wada hadalnay anagu mucaarid hadaanu nahay gaar baanu u aragnay qolada dawladuna mar gaara ayey is arkeen anagu wixii ay na waydiiyeen ee ay nagala hadleen waxay ahayd , arimaha doorashooyinka sidii caqabadaha iyo dhibaatada  looga ilaalin lahaa taa aan kuu sheegayo wax hoose oo kale oo aan heynay ma jirto.

S: Raga madaxda ah ee ka socday xisbiyada Somaliland ee Jauuti aad tidhi nimanka saraakiisha maraykana ayaanu ku kulaney waa kuwee oo ku wehelinayey?

J: Xisbiga UCID gudoomiyaheedii baa socday Faysal Cali Xuseen xaga kalana waxa socday xoghayihii guud iyo nin kale oo ka socday qolada UDUB, KULMIYA-na anigaa ka socday.

S: Shirku ma kii ugu horeeyey ee caynkan oo kale ah baa ee saraakiil maraykani ay idiinku yeedhaan Jabuuti, mise hore ayey shirarkani u dhici jireen?

J: Mayana ee waa markii u horaysay halkan aanu iskugu nimaadno.

S: Markaa nimankii waad wada hadasheen oo tiiniina waad u sheegteen toodiina way idiin sheegeen maxaa markaa aad isla gaadheen?

J: Haa, shir dheer baanu galnay oo saacado badan qaatay, wixii danahayaga ah iyo wixii dhibaato aanu u arkaynay iyo sida loo xalinayo ra’yi cad oo qoraal ah ayaanu u dhiibnay, waxa ka mid ahayd doorashada inay go’an tahay in waxyaalo badan ay noqoto, oo in  badan bay dib u dhacday, taasi anagay naagu xidhan tahay ee dhibaatada kale waxa weeyi waa Sarver bahal la yidhaahdo

S: Arimahadhinaca nabadgalyada Somaliland oo hada doorashadiina aad rajanaysaan inaad dhawaan  inaad gashaan, markaa xaaladeeda guud waa sidee?

J: Somaliland iyadaa ka badbaaday dhibaatooyinka ka dhacaya Somalida kale ee Koonfurta, taasina in badan bay ka sii wanaagsanaan lahayn oo maanta iyana waxbay tari lahayd, Somalidana waxbay tari lahayd haddii Ilaahay garansiiyo, walaalahayaga xaruntoodu Xamar tahay oo imikana aan codkayga u jeedinayo uu ka mid yahay qolada Shariifka ee imika fadhida iyo kuwii kale ee ka horeeyeyba, anigu waxaan u arkaa hadii ay ka dayn lahaayeen Somaliland hagar daamada, oo ah Somaliland dal madaxbanaan maaha ee anagaa xukuna, eraygaas oo aan meesha qaban hadii ay ka dayn lahaayeen Somaliland maantana iyana waxbay tari lahayd, Somalidana waxbay tari lahayd iyana halkay joogto way ka sii fiicnaan lahayd. Markaa Somaliland nabad way haysaa dhaqaalaheedu-se ma fiicna ee ictiraafka ay raadinayso waxa ku xaniban walaalahayaga iyagiina tashan waayey ayaa anagana dood iyo muran nala daba socda, taa waxaan u soo jeedin lahaa waar hadii aynu 20 sano ku jirnay dhibaato iyo muran, siiba Xamar hadba cid baa ka talinaysa oo aduunkoo dhamina maamul la doonayo, malaha dantu waxay ugu jirtaa marka hore inay qirtaan,  Somaliland inaynu ku celino halkii 60-kii aynu joognay, intii 26 June, 1 July wixii ka horeeyey inaan  laba dal oo isku darsama  noqono oo aduunka laga dhagaystay, oo waar kuwaasa wax qabsadaye iyaga wax tara anaguna aanu iska kaashanee. Somaliland xaaladeeda waxay ila tahay dhaqaalo daro mooyee waa meeshaa maanta tartan hore gashay imikana tartan galaysa ee nabadeedu xasiloon tahay waan guul.

S: Arinta ku saabsan koonfurta eeda mar walba aad saartaan hadaad tihiin somalilan, inta badan hadaladiina idaacadaha iyo qalabka warbaahinta ayaad isu marisaane marna ma idiin suurtoobi wayday, cidii halkaa masuuliyada dhinaca koonfurta haysa inaad hoos iyo kor bal aad u wada hadashaan oo idinku hoos wax iskaga dhaadhicisaan halkii idaacadaha iyo warbaahinta isu marin lahaydeen oo mar walba eed iyo canaan ay tahay?

J: Horta xaasha ma eedaynayno walaalahayo, xumaana uma wada hayno ee gar baanu sheeganaynaa, aanu leenahay, diyaar baanu u nahay inaanu la hadalno marka la helo cid koonfur maamul ah oo dhisan oo lala hadli karo oo ay isku raacsan yihiin, waxaanu u aragnaa lafba lafta xigtaa lagu kabaaye hadii iyagu ay is afgartaan oo ay wax dhistaan inaanu wada hadli lahayn oo isku garaabi lahayn, mushkiladu waxay tahay ninkasta oo Xamar imika caalamkaa taageera isaga oo aan Xamar ba haynin ama isagiiba dab ku shidan yahay ayaanu ka doonaynaa inuu yidhaa waar halkaasaa nabdoon oo wax qabsataye ictiraafa isagaanu u gurman lahayn, markaanu u sheegno waar idinkiina waad cadilan tihiin anagiina gardaraad nala daba jiitamaysaan, isma necbin, colaadi nama hayso, dad walaalo ah ayey nahay laakiin taladeenii hadii ay is qaban wayday horta anagiina inaydaan na cadibin baanu doonaynaa ayaan leeyahay.

S: Shariifka iyo masuuliyiinta kale ee dawlada ku meel gaadhka ah codsi sidaas ah ma u jeedinaysaa,  oo ma leedahay waar bal aynu is aragno?

J: Haa, markuu aduunka marayo madaxwaynihii Somalia ee aduunku uu qaabilayo isaguna wuu ogyahay inaanu kala laba nahay oo aanu kala tagnay, oo aanu maamulkayaga shaqo ku lahayn oo walaalo daris ah aanu nahay, ka qaabilayaana wuu ogyahay laakiin anaga xanibaada na haysataa waxa weeyi in ninkaa dhibaatada haysata anagana naloo xidho, markhaatiga ugu horeeya isagaanu ka rabnaa inay Somaliland dal ismaamulay oo horena iskugu yimaadeen, maantana markii ay wax xumaadeen goonidooda wax u dhigtay oo uu ictiraafo isagaanu ka rabnaa oo ugu horeeya.

S: Taa ma odhan karaa qofka masuulka ka ah dawlada kumeel-gaadhka Somalia, caqabado sharci baa meesha imanaya iyo isku darkii iyo axdigii midaynta labada dhinac, waxyaabahaas oo dhana waxay u baahan yihiin wadankii oo daga, dadkii afti laga qaado oo ama lagu kala socdo ama lagu wada joogo taa xageed kaga gudbaysaa/

J: Aftida Somaliland waa la qaaday, oo tii distuurka waa la qaaday, waar marka adigu  wax noqoto ee aad heshiisaan ilaahay ha idin garadsiiyee markaa idinku is waydiiya, laakiin imika waan ku xukumaada ka daaya waxbay inaga sii xumaynaysaaye.

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>