Maxkamada Gobolka Saaxil ayaa shalay xabsi dheer oo min 15 sanadood ah ku xukuntay 8 nin oo ay sheegtay in lagu helay falal budhcad baddeednimo oo dhawr bilood ka hor lagu soo qabtay gobolka Sanaag.

Maxkamada Gobolka Saaxil waxay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ay ku gudo jirtay dhegaysiga dacwada loo haysto 8-da nin, waxaana halkaasi lagu dhegaystay dacwadda xeer ilaalinta oo kooxdan ku eedeyasay inay qorsheynayeen falal budhcad baddeednimo isla markaana ay weerarayeen Maraakiibta iyo doonyaha shisheeyaha maraya biyaha Somaliland .

Sidoo kale, Xasan Xariif iyo Bashiir oo ahaa qareenadii u doodayay nimankan ayaa si adag gaashaanka ugu daruuray dacwadii xeer ilaalinta waxaanay sheegeen inaanay nimamkani wax dambi ah gelin, isla markaana aanu jirin wax maraakiib ah oo ay ka afduubeen Xeebaha Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Saaxil, Cismaan Ibraahim Daahir, fadhiga maxkamada guddoominayay ayaa ku dhawaaqay in 8-dan nin lagu helay falal budhcad badeednimo, isla markaana ay wateen oo lagu qabtay laba laash oo nooca dheereeya ah oo ay doonayeen inay ku weeraraan maraakiibta kala duwan.

Sidaasi darteedna wuxuu Guddoomiyuhu sheegay in Maxkamadu ay xukuntay min 15 sanadood oo xadhig ah.

Qareenada u doodayay nimankan ayaa sharci darro ku tilmaamay xukunka maxkamada gobolka Saaxil oo ay sheegeen inay racfaan ka qaadan doonaan.

Maxkamada Gobolka Saaxil, ayaa dacwadaha ugu badan ee ay qaadaa la xidhiidhaan Budhcad badeedka iyo Argagixisad.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *