Hargeysa(ANN)Mudanayaasha Aqalka Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyay xeerka kala xadaynta mushahaarooyinka Madaxweynaha,  Ku xigeenka Madaxda labada gole ee Baarlamaanka iyo mudanayaasha labada aqal. Kadib markii ay

golaha kusoo celiyeen koox gudi ka tirsan mudanayaasha oo todobaadkii hore loo saaray inay soo naaqishaan xeerka kala xadaynt mushaharooyinka Madaxda Qaranka.
  .
 
Fadhigii maanta ee golaha  oo ay ka soo xaadireen 53 Mudane, waxa Guddoominayay Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku Xigeenka labaad Baashe Maxamed Faarax, waxaana  ogolaaday meel marinta xeerkaa  47 Mudane, 4 mudane  ayaa diiday, 1 Mudane ayaa ka aamusay. Guddoomiyuhuna muu codayn.
.
Xeerka kala xadaynta Mushaharooyinka madaxda qaranka ayaa lagu shaxeeyay Mushaharka Madaxweynaha ee bishiiba waa SL SH..45,500.000
Gunada xilka madaxweynuhu waxay bishiiba noqonaysaa,  SL Sh.22,750,000
Wadarta gunada iyo mushaharka madaxweynaha bishiiba waa  68,250,000, taas oo isu geyn u dhiganta $11,375(kow iyo toban kun sadex boqol todobaatan iyo shan) dollar.
Mushaharka Madaxweyne Ku Xigeenku bishiiba wuxuu noqonayaa SL Sh. 32,500,000.
Gunada xilka Madaxweyne Ku Xigeenku waa SL Sh. 16,250,000
Wadarta Mushaharka iyo gunada Madaxweyne Ku Xigeenku waa SL Sh. 48,750,000. Taas oo u dhiganata $8,123(sideed kun iyo Boqol iyo labaatan iyo sadex) dollar.
sidoo kale Mushaharka Mudaneyaasha Golaha Wakiilada waxa mid kastaaba bishii uu noqonayaa Sl Sh. 8,125,000, taas oo u dhiganta $1354(kun iyo sadex boqol iyo konton iyo afar) dollar.
Dhinaca kale waxa Aqalka Wakiiladdu ay meel mariyeen qaraar ay xukuumadda ugu soo jeediyeen inay mushaharka u kordhiso shaqaalaha dawlada iyo Ciidamada qalabka sida,  isla markaana waxay soo jeedintaa ku xuseen in mudnaanta koowaad ee miisaaniyad sanadeedka 2011-na iyaga la siiyo.
Soo jeedintaa  oo ka koobnayd sadex qodob waxay u dhignayd sidan:- “Golaha Wakiiladdu isagoo ka duulaya dastuurka JSL Qodobadiisa 20-aad, 38-aad iyo 53-aad.
Isagoo cuskanaya, Xeer Hoosaada Golaha Wakiilada Qodobadiisa 3-aad, 37-aad.
Isagoo daba jooga, Mooshinkii ujeedadiisu ahayd daryeelka iyo mushahar kordhinta shaqaalaha dawlada iyo Ciidamada qalabka sida ee taariikhdiisu ahayd 27/10/2010 oo ay soo jeediyeen 28 Xildhibaan iyo balan qaadkii Wasiirka Maaliyada oo ahaa inuu Golaha Horkeeni dooni 15-ka November 2010 u kordhinta mushaharooyinka shaqaalaha iyo ciidamada.
Golaha Wakiiladdu, isagoo garowsan inay waajib tahay daryeelka shaqaalaha iyo ciidamada qalabka sida xaqna ay u leeyihiin inay helaan wax u dhigma shaqada ay hayaan.
Wuxuu xukuumadda u soo jeedinayaa  sidan:-
1- Inay meel mariso oo ay si dhakhso ah u caddayso kordhintii mushaharooyinka shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda  Somaliland.
2- In Wasiirka Maaliyaddu fuliyo balan qaadkiisii Golaha Wakiilada hortooda uu ku balan qaaday.
3- Golaha Wakiiladu wuxuu garowsan yahay in Mudnaanta koowaad ee Miisaaniyad sanadeedka 2011-ka ay leeyihiin shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda  Somaliland.”
Soo jeedintaa golaha  waxa ogolaaday 52 Mudane, mana jirin  cid diiday iyo cid ka aamustay, balse Guddoomiyaha ayaan  codayn.
Xeerka golaha wakiiladu maanta ansixiyay ayaa mudooyinkii uu golaha horyaalay waxay mudanayaashu ka yeesheen dood adag, taas oo keentay inay gamcaha isula tagaan, balse waxa markii danbe loo saaray guddi ka tirsan xildhibaanada golaha oo soo naaqisha, ka hor inta aan meel marintiisa,  ama diidmadiisa la horkeenin golaha, wuxuuna xeerkani noqonayaa kii ugu horeeyay ee xadida mushaharka iyo gunada madaxweynaha, madaxweyne xigeenka iyo mudanayaasha golayaasha.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *