Hargeysa-(ANN)-Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta ansixiyey miisaaniyadda qaranka 2010 oo uu hore uga dhashay murran cirka isku shareeray oo u dhexeeyey Wasiirka Maalliyadda iyo golaha, ka dib markii wasiirku dhegaha ka furaystay dallabyadii gudida dhaqaaluhu kaga dalbadeen inuu soo gdubiyo, balse muddo ka dib uu soo gudbiyey.
Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiaxmaan Maxamed Cabdillaahi oo guddoominayay fadhiga, ayaa mudanayaasha ka dalbaday in cod gacan-taaga loo qaado ansixinta miisaaniyadda, iyadoo 36 xildhibaan oo ka mid ahaa 53 mudane oo fadhiga ku sugnaa ay u gacan-taageen in la ansixiyo, halka 10 mudane diideen, 6 ka mid ahina diideen, sidaana ay ansax ku noqotay miisaaniyadda 2010 oo muddooyinkii u danbeeyey doodeedu socotey.
Mudanayaasha wakiillada ayaa  gebagebadii fadhigaa lagu wargeliyey in goluhu gelayo fasax sagaal  todobaad ah, iyadoo fasaxoodu ku soo beegmay xilli xasaasiya oo loo diyaar-garoobayo doorashada madaxtooyadda Somaliland ee komishanka qaranku u  qorsheeyeen inay dalka ka dhacdo bisha Juun ee fooda inagu soo haysa.

By,  Carraale  M. Jama

Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *