Hareysa-(ANN)-Boqolaal haween ah oo ka ka mid ah Bulshada ku dhaqan  waqooyiga Hargeysa oo  doonaya inay muujiyaan  taageerada ballaadhan ee ay u hayaan xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE. Maanta isugu soo baxay Xarunta Xisbigaa ee Magaalada Hargeysa.
Haweenkaa  oo ahaa kuwo iskood isu soo abaabulay waxa munaasibad loogu  qabtay Hoolka Cali-Maarshaal ee ku yaalla xarunta xisbiga ee Hargeysa, taas oo ay kasoo qayb galeen Guddoomiyaha  KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah musharaxa Madaxweynaha ee xisbigaa, Guddoomiye-kuxigeenka Muuse Biixi Cabdi, Xildhibaanno iyo masuulliyiin kale oo ka tirsan xisbiga.

Guddoomiyaha  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa u mahadceliyey haween-weynaha iskood isu soo abaabaulay, islamarkaana sheegay ahmiyada KULMIYE u gaar yeelay Haweenka, isagoo tusaale u soo qaatay Guddoomiye-ku-xigeenkii ugu horeeyey ee xisbiga oo ahayd Marwo Siraad Cali Yuusuf.

Guddomiye Siilaanyo waxa uu yidhi “Xaflafdan waxaa soo abaabulay haween aan ku soo biirin ee awelba taageerayaasha KULMIYE ahaa, KULMIYE waa xisbigii ugu horeeyey ee Guddoomiye-ku-xigeenkiisii koowaad haween ka dhigytay [Siraad Cali Yuusuf], waad ogtihiin waa xisbi ay haweenku ka soo baxeen dawladaha hoose iyo hablo aanay u suurtagelin inay soo gallaan doorashadii baarlamaanka, ayaa jiray.”

Guddoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu tusale u soo qaatay Ilhaan Maxamed Jaamac oo ay hore ugu magacaaben inay xubin uga noqoto Komishanka, balse uu is-hortaagay Madaxweyne Rayaale. “Waxaa kale oo aanu isku daynay KomIshanka Dorashooyinka inaanu gabadh u magacawno waa  Ilhaan Maxamed Jaamac oo Madaxweynaha Maraykanka Obama casuumay, markaa cidda aanu muhiimada koowaad saarno barnaamijkayaga ku qoran, taageero iyo niyadba u haynaa waa haweenka iyo dhallinyarada, barnaamijkayagana ay si weyn uga muuqato, aad iyo aadba waan idiinku mahadcelinayaa.”

Axmed Siilaanyo waxa uu ugu baaqay dadka goobta joogay ugu baaqay inay kaadhadhka qaataan, isagoo rajo ka muujiyey in xisbiga KULMIYE guulaysan doono, waxaanaka mid ahaa hadalkiisa, “Dorashadii way soo dhawdahay, qarka ayaynu u saaranahay, waanna inaynu kaadhadhka qaadanaa, wayu ku guulaysnaynaa. UDUB waxay ku kalsoontahay shacabku wuu ogyahay waana qiimeyntii aad Radio Hargeysa ka dhegaysateen. dadku kalsoonida uu ku qabo KULMIYE xisbi kale oo uu ku qabaa ma jirto.”

Waxa uu Guddoomiye Siilanyo intaa raaciyey “Doorashada aynu gelayno cidda ugu horaysa ee dhawraysa, wadajirka, nabadgelyada, annagu qabbiil uma taagnin, cid gaara umma taagnin, gobol keliya uma taagnin, waxaanu u taaganahay dadka reer Somaliland oo dhan, waxaanu u taaganahay  wadajirkiisa, guushiina qarka ayaynu u taaganahay.”

Deeqa Xaashi Xamdulle oo ka mid ah haweenka taageradooda u muujiyey xisbiga KULMIYE oo madasha ka hadashay, ayaa sheegtay inay yihiin 300 oo haween ah oo deegaankoodu yahay Bullo-xaar illaa Hargeysa iyo Wadd-makaahiil illaa laga gaadhayo killalka shannaad ee Itoobiya, islamarkaana ay iskood isu so abaabuleen oo aanay ahayn cid xisbi ka soo baxday, basle ay ka mid yihin haweenka dhab ahaan taageera KULMIYE.

Deeqa oo ka hadlaysay ujeedada xaflada, ayaa sheegtay maadaama ay doorashooyinkii soo dhawyihiin inay muujinayaan dardargelinta yo kalsoonida taageerada ay xisbiga u hayaan, iyadoo wax lala yaabo ku sheegtay 80-kii cod ee laga guulaysaty KULMIYE, oo ay sheegtay inaanay ahayn wax caalamka a dhaca, islamarkaana ay KULMIYE doorbideen inay iska ilaabaan oo dadkooda iyo dalkooda u tudhaan.

Deeqa Xaashi waxay ayaan-darro ku tilmantay in hoggaanka KULMIYE oo horseed u ahaa halgankii dalka lagu xoreeyey inaan loo tixgelin sharaftii iyo qiimaha ay ka mudanyihiin ummadda iyo dalkaba. sidaa dardeedna ay iyagu si mutadawacnimmo ah uga qaybgelayaan hawsha muraaqibnimada ee xisbigooda.

Waxa kale oo iyaguna madashaa ka hadlay, Guddomiye xigeenka Koowaad ee KULMIYE uuse Biixi Cabdi, Xoghayaha Dhaqaalaha Maxamed Cabdi Iskeerse iyo xubno kale oo u metelaya haweenka taageeradooda  u muujiyey xisbiga.

By,  Carraale  M. Jama

Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *