Hargeysa-(ANN)-Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta ansixiyey miisaaniyadda qaranka 2010 oo uu hore uga dhashay murran cirka isku shareeray oo u dhexeeyey Wasiirka Maalliyadda iyo golaha, ka dib markii wasiirku dhegaha ka furaystay dallabyadii gudida dhaqaaluhu kaga dalbadeen inuu soo gdubiyo, balse muddo ka dib uu soo gudbiyey.
Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiaxmaan Maxamed Cabdillaahi oo guddoominayay fadhiga, ayaa mudanayaasha ka dalbaday in cod gacan-taaga loo qaado ansixinta miisaaniyadda, iyadoo 36 xildhibaan oo ka mid ahaa 53 mudane oo fadhiga ku sugnaa ay u gacan-taageen in la ansixiyo, halka 10 mudane diideen, 6 ka mid ahina diideen, sidaana ay ansax ku noqotay miisaaniyadda 2010 oo muddooyinkii u danbeeyey doodeedu socotey.
Mudanayaasha wakiillada ayaa gebagebadii fadhigaa lagu wargeliyey in goluhu gelayo fasax sagaal todobaad ah, iyadoo fasaxoodu ku soo beegmay xilli xasaasiya oo loo diyaar-garoobayo doorashada madaxtooyadda Somaliland ee komishanka qaranku u qorsheeyeen inay dalka ka dhacdo bisha Juun ee fooda inagu soo haysa.

By, Carraale M. Jama
Hargeysa Office Araweelonews
E-mail; Info@araweelonews.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1