Gebilay(Araweelo News Network)Dad mudaharaadaya, ayaa isugu soo baxay maanta Badhatamaha Magaalada gebilay, kuwaas oo sida ay sheegeen ka

 

cadhaysnaa dilka Saraal ka tirsanaa Ciidanka Qaranka oo isaga iyo Sarkaal kale oo ahaa Taliyihii Guutada 17aad iyo Abaanduulihii Guutadaa uu dilay mid ka mid ciidanka oo kadibna baxsaday.

Mudaharaadkaa ayaa sababay in dhaawacyo soo gaadhaan ilaa 7 qof oo shacab ah, kuwaas qaarkood la geeyay Cusbitaalka Magaalada Hargeysa, waxaana sidoo kale dhaawacyo soo gaadheen lab ka mid ah Askarta Ciidanka Booliska oo goobta tegey, kuwaas oo doonayay in ay dejiyaan dadka Mudaharaadayay.
Axsaabta Mucaaradka ayaa canbaaraysay falka dadka Mudajharaadayay ay kula kaceen Ciidanka Boolisku, waxayna ku tilmaameen talaabo aan loo baahnayn.

Hase yeeshee masuuliyiin ka tirsan xukuumadda ayaa gaadhay magaalada Gebilay, kuwaas oo isku deyaya in ay dejiyaan xaalada, isla markaana doonay in ay kulamo la yeeshaan odayaasha iyo waxgaradka Gebilay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *