Djibouti(ANN) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee DNP ee dalka Jabuuti  Aadan Rooble Cawaale, ayaa markii u horreysay si rasmi ah shaaca uga qaaday inay xisbi ahaan iyo shacbiga reer Jabuutiba ay fajac iyo af-kala-qaad ku noqotay taageerada madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha

xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi u muujiyeen murrashaxnimada madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo uu ku sifeeyey digtaytar ka xanaaqa ku dhaqanka dimuqraadiyadda oo aan mudnayn in la taageero.

Md. Aadan Rooble Cawaale oo isaga oo ku sugan magaalada Jabuuti khadka telefoonka waraysi khaas ah ku siiyey Jamhuuriya shalay, waxa uu ku dhawaaqay in xisbi ahaan isla qaateen inay Somaliland aqoonsan doonaan haddii ay ku guulaystaan doorashadda madaxtinimadda ee ka dhici doonta dalka Jabuuti, laakiin waxa uu carrabta ku adkeeyey inay la yaaban yihiin sababta Somaliland oo xukun digtaytar ah la soo dagaallantay oo doorashooyin dimuqraadi ah qabsaday ay u taageerayso madaxweynaha Jabuuti ee digtaytarka ah.

“Wallaahi; taageerada Somaliland u fidisay madaxweynaha Jabuuti way naga fajacisay oo warkeeda aad baannu u haynaa. Reer Jabuuti haddaannu nahay, gaar ahaan xisbiga aan madaxda ka yahay way yaabban yihiin, waayo waxaannu ka filanaynay dalka Somaliland oo la xarbiyayey xukun digtaatooriyad ah oo garanaya waxay ka dhigan tahay digtaytarnimadu oo dhiig badan u daadiyeen inay taageeraan xukun digtaatooriyaddaas oo kale ah oo Jabuuti yaal oo na horjooga. Markaa dalka Somaliland oo xorriyaddiisa u soo dagaallamay, markii dambena ku kala baxay doorashooyin xor ah sida ay odhan karaan waannu daba taagannahay digtaarooriyad aad iyo aad u muuqata oo Jabuuti ka jirta waxay ka dhigan tahay dadka reer Jabuuti dhabarka ayaannu ka toorriyeynaynaa,” ayuu yidhi Md. Aadan Rooble Cawaale oo ka jawaabayey su’aal ahayd dareenkooda ku wajahan taageerada madaxweyne Siilaanyo u muujiyey murrashaxnimada madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle.

Md. Aadan Rooble Cawaale waxa uu sheegay inuu marar badan la kulmay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu aqoon badan u leeyahay, isla markaanna u yaqaan inuu yahay madaxweyne huwan hannaanka dimuqraadiyadda Ingiriiska oo ah ta ugu fiican adduunka, balse aanay ka filayn inuu taageero hannaan digtaatooriyad ku dhisan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Jabuuti oo arrimahaas faahfaahinayey waxa uu yidhi; “Duqa Madaxweynaha ka ah Somaliland ee sida fiican loo doortay Md. Siilaanyo, shakhsi ahaan waan aqaan oo in badan ayaannu kulmi jirnay xilliyadii SNM. Magaalada Paris [caasimadda Faransiiska] waannu ku kulanay, markaa waxaan u haystay nin dimuqraadi dhab ah oo weliba magac baan anigu ku sheegaayoo dimuqraadiyadda Faransiiska waannu yaraysanayaa anagu oo waxaan idhaahdaa ‘Siilaanyo waa dimuqraadi Biritish ah (British), maxaa yeelay sida runta ah dadkii dimuqraadiyadda sameeyey Ingiriis buu ahaa, laakiin Siilaanyihii aannu magacaabay Biritish dimuqraadi sideebuu u taageeraa digteytarnimada dhegaha la’ ee Jabuuti ee sida indho la’aanta ah isaga socota? Markaa aad iyo aad baannu uga xunahay haddaannu nahay reer Jabuuti in Somaliland is garab taagto kelidii taliyaha Jabuuti ee sida dhego la’aanta ah isaga socda.

War cusub baan kuu sheegayaaye sida runta ah waxaan madaxweynaha Somaliland ka filanayey marka Jabuuti isla murugto ee dhibaato naga dhex dhacdo waxaaban jeclaa in aannu helno cid na dhexdhexaadisa, sida runta ahna anigu waxaan niyadda ku hayey qofka na dhexdhexaadinta karaa inuu yahay madaxweyne Siilaanyo iyo dawladda Somaliland, laakiin markii dambe waaban fajacnay oo waxa la yidhi Ismaaciil Cumar Geelle ayaaba loo shaqeeyaa, markaa waxaannu leenahay walaalahayaga Somaliland dhibaatadii aad ka caban jirteen ayaa nagana [reer Jabuuti] na haysata, dad wallaalo ah ayeynu nahaye ninkan Ismaaciil Cumar Geelle runta u sheega, marka waxa dimuqraadiyad la yidhaa lagu soo hadal qaadaba wuu didayaaba oo ma aqbali karo wax dimuqraadiyad la yidhaahdaba. Markaa aad baannu uga xunnahay in Siilaanyo iyo xukuumaddiisu is daba taagaan digtaatooriyadda Jabuuti ka jirta.

Anagu hadaannu nahay xisbiga mucaaridka ah ee PND mar alla markii dimuqraadiyadda Somaliland hagaagtay ee Siilaanyo la doortay intaannu shir ballaadhan qabsanay ayaannu go’aansannay dalkii Soomaaliya waa ka burburay, laakiin dhinaca nool waa dalka Somaliland waa in la taageero, haddii aannu dalka Jabuuti xukunkiisa qabano waxaannu go’aansanahay in aannu aqoonsanno Somaliland, waxaannu sidaa u nidhina Soomaaliweyn baannu neceb nahay maaha, laakiin waxa weeye kol hadduu meel dab qabsado wixii la badbaadin karo ayaa la badbaadyiyaa, markaa sidaas ayaannu u nidhi haddii aannu nahay xisbiga PND Somaliland waannu aqoonsan doonaa haddii aannu qabano xukunka dalka Jabuuti.

Waxaannu suganaynay in aannu jawaab fiican ka helno xukuumadda Somaliland, maantase waxaan leenahay digtaatooriyadii bay raaceen, waxaanan ka codsanaynaa inay ka noqdaan taageerada ay u fidiyeen madaxweynaha Jabuuti oo weliba kala dhexgalaan dadka dimuqraadiyadda raba iyo madaxweynaha digtaytarka ah ee Jabuuti, waayo dad wallaalo ah ayaannu nahay, inay na dhexdhexaadiyaan baana fiicnayd.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Jabuuti Md. Aadan Rooble Cawaale oo aannu weydiinay inuu Somaliland xidhiidh la soo sameeyey markii ay soo baxday hambalyadda madaxweyne Siilaanyo u diray madaxweynaha Jabuuti ama uu arrintaas madaxda Somaliland kala hadlay waxa uu yidhi; “Walaal arrintaa waan ku talojiray in aannu Somaliland kala hadlo, laakiin sida runta ah waxaannu ku mashquulsanayn mudaharaad weyn oo aannu toddobaadkii hore samaynay oo muddo shan iyo toban maalmood ah arrintaa ayaannu ka shaqaynaynay, waxaannu dariiqyada u soo bixinay dad tiradoodu gaadhayso afartan kun ilaa konton kun oo mudaharaadayaal ah, taasi oo ahayd wax aan weli Jabuuti hore uga dhicin. Markaa ninkaas duqa ah ee Axmed Siilaanyo inta aanay doorashooyinka Jabuuti dhicin waan ku tallo jiraa in aannu ergo u soo diro ama aniguba u iman lahaa xagga Somaliland, arrintaasina qorshaha way noogu jirtaa.”

Md. Aadan Rooble Cawaale oo aannu weydiinay siday u arkaan kacdoonnada ka bilaabmay qaar ka mid ah dalalka Carabta iyo inuu qorshaha ugu jiro mudaharaadyo kuwa Masar la mid ah inay ka dhigaan Jabuuti, waxa uu ku jawaabay, “Saakadan [shalay subax] qudheeda waxa kacay ardaydii jaamacadda Jabuuti, kuwaasoo toddobaad ka horna mudaharaad sameeyey, maantana (shalay) way kaceen, waxayna jajabiyeen qalab dawladdu leedahay oo waxay gubeen gaadiid boolisku leeyahay, markaa dadweynuhu waxay bilaabeen inay dariiqyada isugu soo baxaan oo ay dawladdii ku kacaan. Waxaad mooddaa waxa adduunka ka dhacaya sida dalka Tuuniisiya oo kale, Masar ama Yemen inay Jabuuti ku soo fidayaan, waxana dalalka Carabta iyo kuwa Afrikaba ka dhashay wakhti cusub oo dadaweynuhu nacayaan digtaytarnimada, waana hawo cusub oo dadka diinta yaqaanana waxay yidhaahdeen kacdoonadu xagga Illaahay ba ka socdaane wax bani’aadam waddo maaha.

Sida jawiga ama hawado isku beddesho ayey figradda dadweynuhuna isku beddeshaa oo waa wax aan dib u noqonayn Afrikana dabkaasi wuu wada qabsan doonaa. Aniguna waxaan aqoonsanahay in digtaytarnimadda meeshay doonto ha ka jirtee lagu kici doono oo waa xaqiiq, dalka Jabuutina wadamadaas ayuun buu ka mid yahay oo waxyaabo aan Jabuuti hore ugu arki jirin ayaan hadda ku arkayaa oo dadkii aad buu u kacsan yahay, laakiin haddana waxaan jecelahay in doorashadu si fiican noogu dhammaato.

Mudaharaadada Jabuuti ka dhacayna dad badan ayaa loo xidhxidhay oo saakadan (shalay subax) dad baa la xidhxidhay, dadweynaha Jabuuti ee ciidammado xidhxidheen ilaa 300 oo qof ayaa lagu qiyaasayaa oo ilaa maalmihii mudaharaadda aanu diyaarinaynay ayaa dadka la qabqabanayey. Markaa wakhti xun bay Jabuuti ku jirtaa, una malayn maayo inay dadweynuhu iska seexan doonaan oo kulaylku wuu sii socon doonaa.”

Murrashaxa jagada madaxweynenimo ee Jabuuti waxa waraysiga uu Jamhuuriya siiyey baaq ugu jeediyey xisbiyada mucaardika ah ee Somaliland, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaanu xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland qudhooda iyo xisbiga dawladda gacanta ku hayaba ka codsanaynaa in nin waliba ka fikiro sida dalalka jaarku u wada noolaanayaan oo dhinaca wanaagsan isaga taageeraan, markaa waa in Somaliland ka fikiraan sidii ay u wanaajin lahaayeen siyaasadda Jabuuti. Waayo marka jaarkaagu ololayo waxa laga yaabaa in dabku adigana markaaga ku soo gaadho. Markaa waxaan ku guubaabinayaa in dimuqraadiyadda quruxda badan ee aad samayseen aad noqotiin kuwii ku shaqayn lahaa.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Jabuuti Md. Aadan Rooble Cawaale oo hore ugu dhawaaqay inuu ka qaybqaadan doono doorashadda madaxtooyadda ee sannadkan 2011 ka dhici doonta dalka Jabuuti, waxa uu xalay Jamhuuriya u caddeey in aanay doorashadda madaxatooyadda ka qaybgelin doonin haddii aan la helin komishan qabta doorasho xor iyo xallaal ah oo lagu wada tartamo, isaga oo sheegay inay doonayaan in doorasho la mid ah tii 26 June 2010 ka dhacday Somaliland ay Jabuuti ka dhacdo sannadka 2011.

Jamhuuriya Online

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *