Nairobi(ANN)Dawladaha xubnaha ka ah Ururka  Midawga Afrika ayaa sheegay inay Somalia u dirayaan koox ergo ah oo ujeedada socdaalkoodu yahay sidii wada hadlo loola geli lahaa Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia. sidaana waxa

 

baahisay wakaalada wararka ee Reuters.
Qorshaha midawga Afrika ku sheegay inuu Arbacada ugu dirayo Somalia  ergo ka kooban dalalkaa oo  doonaya inay wada hadalo  lagula xaajoonayo  Al-shabaab sidii ay dagaalka u joojin lahayd ayaa kusoo beegmay xili ay kooxda Al-shabaab dagaal kula jirto ciidamada dalka Kenya oo bishii Oct, 2011 soo galay xadka Somalia, iyagoo ku doodaya inay hawlgaladooda kaga jawaabayaan weeraro afduub ah oo ay kooxdaasi ka fulisay dalkooda.
Madaxweynihii hore ee dalka Ghana Jerry Rawlings, oo xiligan ah wakiilka Ururka Midawga Afrika u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa sheegay inaanu odhanayn Kenya wadahadal ha lagasho Al-shabaab, balse uu sheegay in loo baahanyahay sidii Somalia juhdi baddan loo gelin lahaa, iyadoo aan la xidhayn albaabada,  isla  dhamaan dhinacyada siyaasada lala hadlo  si aanay xaaladu faraha uga bixin.
Mr. Jerry Rawlings wuxuu sheegay inay Kenya ku doodayso inay Al-shabaab tahay kuwo xidhiidh la leh Al- Qaeda, isla markaana ay kusoo duuleen amaankeeda. Laakiin ay jirto xaalad abuuri karta iska hor imaadyo qalalaase dhiig badani ku daato, isla markaana weerarada  lagu qaadayo Al-shabaab ay noqon karaan kuwo ay taageero kaga helaan dadka deegaanada iyo Tuulooyinka ku nool ee Soomaalida ah, taas oo sida uu sheegay aan la fahamsanayn khatarta ka dhalankarta.
Wasiirka Difaaca Kenya Yuusuf Xaaji ayaa  shirj’aaid oo uu ku qabtay Nairobi arrintaa kaga hadlay, wuxuuna sheegay in haddii ay Midawga Afrika wadahadalo la gelayaan Al-shabaab aanay taasi ahayn mid Kenya ka hor istaagaysa inay xorayso meelaha xadka gudaha Somalia ee laga soo weerarayo amaankeeda iyo nabadgelyadeeda iyadoo xaq u leh inay difaacdo Kenya xaduudeeda oo meelaha ay hadaba xoreeyeen ay ka caawinayaan ciidmada nabad ilaalinta u jooga Somalia ee AMISOM inay gacanta ku dhigaan oo ay masuuliyadeeda qaadaan ayuu yidhi.
Dhinaca kale Raysal wasaaraha Somalia ee dawladda taagta daran C/welli Maxamed Cali ayaa sheegay inay xukuumad ahaan soo dhowaynayaan wadahadalo nabadeed oo lala galo kooxda Al-shabaab.
Dhawaaqyadan ayaa kusoo beegamay iyadoo ay dawladda Kenya ciidamadeedu soo galeen gudaha Somalia bishii lasoo dhaafay ee Oct, 2011, kuwaas oo ay dagaalo ku dhexmareen gudaha Somalia kooxda Al-shabaab, isla markaana ay Diyaaradaha dagaalka ee Kenya duqaymo ku sameeyeen meelo baddan oo ka tirsan deegaamadaa, balse duqaymahaa ayaa inta baddan waxa dhibaato kasoo gaadhay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Sidoo kale dhawaaqyada kasoo baxay dhinaca Ururka Midawga Afrika ee la doonayo in Al-shabaab lagula galo wadahadalo ayaa sidoo kale kusoo beegmay kadib markii ciidamada Ethiopia iyaguna todobaadkii hore galeen gudaha Somalia oo fadhiisimo milateri ka samysteen, iyagoo qorshaynaya inay dagaal la galaan kooxda Al-shabaab, balse talaabada dalka Ethiopia ee gelitaanka Somalia ayaa lagu tilmaamay kuwo horseedi kara khatar dagaal oo ku faafta gobolka, isla markaana waxa dublamaasiyiin maraykan ah iyo kuwo ka tirsan hay’addo caalami ahiba ka digeen khatarta ka imankarta haddii ay ciidamada Ethiopia galaan mar labaad Somalia, taas oo ay sheegeen inay noqonayso oo keliya mid taageero ay ky helayaan Al-shabaab, isla markaana abuuri karta dhibaatooyin dagaalo ku faafa mandaqada iyo dhiig daata.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *