Hargeysa(ANN)Munaasibad balaadhan oo  si rasmi ah loogaga dhawaaqay Urur Siyaasadeedka la baxay UDHIS ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa.  Ururkaa oo hore  magac ahaan ugu jiray, balse ay hada dib u habayn ku sameeyeen si uu uga mid

noqdo Ururada doonaya inay ka qayb qaataan tartanka doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo inay bisha April ee 2011 ka dhacdo Somlailand.
Munaasibadaa  oo ka sokow kooxdii iyagu hore ugu dhaaqay Ururka UDHIS ay kasoo qaybgaleen  laba siyaasi oo xilalka Madaxweyne Ku xigeeno  hore ugu soo qabtay Somaliland, kuwaas oo kala ah  Xasan Ciise Jaamac, C/raxmaan Aw Cali Faarax , iyadoo C/raxmaan Aw Cali iyo mujaahidiinta uu hormoodka u ahaa  Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhego-weyne), Ciise Curaagte iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar-xaashi iyo xubno kale ay hore ugu dhawaaqeen magaca Ururkaa. Ka hor intii aanay dhicin doorashadii madaxtooyada ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee fasaxday dib u furista Ururadu aanay ku guulaysan talada dalka kal hore.
Madasha lagaga dhawaaqay Urur Siyaasadeedka UDHIS, waxa iyaguna maanta kasoo xaadiray oo goob joog ka ahaa  Guddoomiyaha xisbiga  mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Afhayeenka xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Salaadiin, oday dhaqameedyo  iyo marti sharaf kale oo qaarkood ahaayeen taageereyaasha Ururkaa.

Madaxweyne Ku xigeenkii u horeeyay ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac oo ka hadlay madashaa ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta Ururka UDHIS ee soo qaban qaabiyay xafladaa, wuxuuna  soo jeediyay ururada cusub ee lagu dhawaaqay inay midoobaan si ay cududooda u mideeyaan isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi,  “Ururo badan oo yar yar ayaa lagu dhawaaqay oo waad ka war haysaan kuwo kalena way soo socdaan, waxaan idin xusuusinayaa hadal aan khayriyada ka idhi dhammaadkii sagaashameeyadii waxaan idhi waagaas niman yahow dhibaatada wadamadan soo koraya haysta, afrika haysta iyo carabtii haysta, sadexdaasi ayaa maanta dunida ugu liita inaguna sadexdiiba waynu nahay oo sadexdii koob ee adduunka ugu liitay ayaynu isku darsanay. Hawsha ina sugaysaa walaalayaal ma yara. Ururadan lagu dhawaaqay iyo kuwo soo socdaba waa inaynu meel iskugu geynaa, haddii aynu doonayno inaynu dadka iyo dalka waxtarno, ururo tiradoodu badan tahay oo habar-habartu dan bay ahayde qoys qoys hoose ka muuqdo ina anfici maayaan.”

“Waa inaynu ka tashanaa oo meel iskugu geynaa haddii Alleh yidhaahdo, waxaan soo jeedinayaa oo aan madaxda UDHIS iyo UCID-ba kala hadlay waxaan doonayaa in labadaasi urur hormuud ka noqdaan sidii ururadan yar yar ee badan waynu ku jabaynaaye’e oo dantii qaranku sidaasi kuma jirno,”ayuu yidhi Md. Xasan Ciise waxaanu intaasi raaciyay “Soomaalidu waa ta tidhaahda ninkaad kabo ka tolanaysa kabihiisa ayaa la eegaa, siyaasiyiinta kabahooda lama eego kabaha ugu quruxda badan ayay kuu soo xidhanayaan, waxa la eegaa ficilkoodaa la eegaa oo lagu kala baxayaa oo aad xaqiiqada ka helaysaa dariskii Gumaystihii laga bartay waxay ahayd qeybi oo xukun, waxaan leeyahay siyaasiyiinta qeybi oo xukun waxa gumaystuhu ugu tallo galay inuu inagu naafeeyo laakiin haddii aad tidhaahdo waan qeybinayaa si aan u xukumo ummadaadii jabisay.”
Sidoo kale, Madaxweyne Ku xigeenkii labaad ee Somaliland C/raxmaan Aw Cali Faarax, waxa uu sheegay inay muddo sadex sanadood ku dhow ay ku gudo jireen aasaaska Ururka UDHIS ayaa faah faahin ka bixiyay hadafka ururkan, waxaanu yidhi “Waxaynu halkan aynu iskugu nimid inaynu ku dhawaaqno ururkan UDHIS oo muddo la soo waday oo laga shaqaynayay si uu u noqdo urur taabo-gal ah oo ummadda reer Somaliland u qalma. Ururkan UDHIS ma aha urur qabiil, gobol, mid qof leeyahayna ma aha, ururkani waa mid qaranku wada leeyahay oo min bari illaa galbeed, dhalinyaro iyo waayeel, rag iyo dumar waa mid u furan oo aan laga lahayn.”
“Ururkani sidoo kale ma aha mid kursi kaliya lagu gaadho la doonayo ma aha ee waxa la doonayaa in lagu  horumariyo dalkan oo  ay jiilasha dambe inaga sii dhaxlaan,”ayuu yidhi Mujaahid C/raxmaan Aw Cali.
Madaxweyne ku xigeenkii labaad waxa uu sheegay in ururadan badan ee lagu dhawaaqay ay keentay waayo aragnimo la’aan “Inaga nidaamkan axsaabta badani wuu inagu cusbaa oo kaacaa-kufkiisa ayuu leeyahay, sadexdii xisbi ee hore eed iyo canaan midna ma leh waayo iyaga ayaa lagu biimeeyay nidaamkan.sidaasi darteed, khaladaad iyo saluug badaniba wuu yimid waayo waxan ayaa wax inagu cusub ahaa. Waa in saluugii xisbiyadii hore laga faa’iidaysto waxyaabihii khaldamay oo ururadan cusubi ay ka baydhaan khaladaadkii hore.
C/raxmaan Aw Cali waxa uu sheegay in ururkoodani uu noqon doono mid ay saldhig u tahay wada tashi iyo dimuqraadiyad, waxaanu balan qaaday in UDHIS aanu noqon doonin mid qof gaar ahi leeyahay.
Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen Dhego-weyne oo ka mid ah madaxda ururkaa oo ka hadlay madasha  ayaa ku dooday in ururkoodani ka duwan yahay ururaddii hore isagoo arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Ururkan UDHIS wuxuu u taagan yahay urur wixii hore wax ka bedela waxaynu u baahan nahay waa sharciga aynu raacnaa, haddii aan ururka sharciyadiisa la sixin dawladnimo sixi maysid. Walaal waxaanu ummadda u soo bandhigaynaa inay sharcigayaga akhriyaan oo ay na soo dhaliilaan intaan shirweynaba aan la qaban.”
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Afhayeenka xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), kuwaas oo sheegay  inay soo dhaweynayaan ururkan cusub oo ay u rajeeyeen inuu miidaanka siyaasada ku soo kordhiyo wax cusub.
Dhinaca kale munaasibada UDHIS ayaa la filayay inay kasoo baxaan qorshe cusub oo la hadalhayay oo ku waajahan is bahaysi UDHIS iyo xisbiga UCID  u dhexeeya, kaas oo xoggaha  iyo tibaaxaha kasoo baxayay kulamadii munaasibadaa ka horeeyay lagu tibaaxayay inay hogaan cusub kusoo bandhigi doonaan madasha, iyadoo farta lagu fiiqayay inay Xisbiga UCID iyo Ururka UDHIS labaduba doonayeen inuu gaarkiisa ugu biiro Muj. Xasan Ciise Jaamac, balse shuruuda uu ku xidhay ay ahayd inay midoobaan ka hor inta aanu ku biirin, taasna ay labada dhinac isla qaateen. Laakiin aan wixii la filayay lagu soo bandhigin madasha maanta.
Hase yeeshee loolanka labada dhinac oo ku wajahnaa siyaasiga Xasan Ciise oo ku xidhay shuruudaa ayaa saxaafadu weydiisay munaasibada kadib mawqifkiisa siyaasadeed iyo inuu xubin ka yahay UDHIS , maadaama uu kasoo xaadiray madasha, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “mudda hore ayaan idhi siyaasada waan dabaal joogtaynayaa, waxa ii yimi oo guriga iga soo kexeeyay oo halkan I keenay saaxiibo qaalli ah oo aan ku aqaan daacadnimo, waxa ii yimi UDHIS iyo UCID, waxan u sheegay iyaga iyo rag kale oo Urur doonayay inay ku dhawaaqaan, balse aan dib u dhiga idhi inay midoobaan si aanu wax u noqo, taas ayaana ku imi halkan. Aniguna mawqifkaygu waxa weeye UDHIS xubin ayaan ka ahay, UCID-na xubin ayaan ka ahay, kuwa kalena xubin ayaan ka ahay.” Ayuu yidhi Xasan Ciise

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *