Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo saaka ka hadlay saaka fadhiga golaha ayaa mudanayaasha ku wargeilyay in ay heleen qoraal Maxkamadda sare ka socda oo lagu farayo golaha in la hakiyo isku shaandhaynta gudiyada.
Hase yeeshee Gudoomiye Cirro waxa uu sheegay in dhismaha qaranka eek a kooban sadexda waakood sida uu dhigayo dastuurku ay kala madaxbanaan yihiin oo aanay waaxina waaxda kale wax faragelin ah ku samayn Karin, Saddexda Waaxood ee Dawlada ee kala ah Fulinta, Xeer dajinta iyo Cadaaladu way kala madaxbanaanyihiin ayuu yidhi, taas oo u muuqatay in aanu aqbalayn qoraalka amarka ah ee Maxakamadda sare, balse waxa uu sheegay in go’aan goluhu arrintaa jawaab rasmi ah ka bixin doono.
Golaha ayaa fadhigiisa si caadi ah u qabsoomay, waxaana si rasmi ah loo baahiyay magacyada gudiyada iyo gudoomiyayaasha gudiyadaa. Ka daalaco liiskan.
arraweelo.com@gmail.com