sawirka goobada MarxuumaddaHargeysa(Araweelo News Network)Maxkamada Gobolka Maroodi jeex ayaa Xukun ku riday qoyska loo haystay Dilkii foosha xumaa ee Marxuumad Ruqiya Siciid ayaanle oo Muddo laba bilood ka hor ah

 

si foolxun loogu Dilay Guri ku yaala dhinaca Bari ee magaalada Hargeysa. Kadib markii maydka marxuumada oo lagu riday laga helay qoyska loo haystay dilkeeda oo deganaa gurigaa.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Faysal Maxamed Cabdilaahi (Faysal dhaga dhago ), ayaa saaka ku dhawaaqay go,aanka Maxkamadda kadib markii dacwada dhegeysigeedu mudo ka socday Maxkamadda Gobolka.
Garsooraha oo go,aanka soo saaray ayaa ku dhawaaqay in Maxakmadu Dil toogasho ay ku xukuntay 4 ka mid ah Qoyskii Gabadha dilay oo kala ah  Hooyadii  Qoyska  Muuna Maxamed Cabdilaahi,  ina  Faadumo Cali 37Jir ah.
Sidoo waxa Maxkamadu waxay ku xukuntay Qisaas Dil ah, Maxamed Axmed Cabdi, ina Muuna Maxamed Waxay Maxkamadu ku xukuntay Qisaas Dil ah, Sakariye Axmed Cabdi ina Muuna Maxamed oo 19Sanno jir ah, Waxay Maxkamadu ku xukuntay Qisaas Dil ah, Farax Axmed Cabdi Ina Muuna Maxamed 19Jir ah.

Garsooraha ayaa sidoo kale sheegay in Maxkamadu ku xukuntay Hana Cabdi salaam Ismaciil, ina Muna Maxamed 17 Todoban jir ah, waxayna maxkamaddu ku xukuntay 10 Sanno Xadhig ah, waxaanu sahrcigu dhigayaa in qofkii 18 Jir ka yar aan lagu xukumin Dil, Kalsoon Xaaji Baxnaan Xirsi, waxanu u celinay Xoriyadeedii, Cabdi Salaan Ismaciil Maxamed oo ah ninkii qabay Muna waxa uu joogay maalintii falku dhaceyey Berbera, sidaasi daradeed xoriyadiisi waanu u soo celinay, Maxmaed Xassan Cabdi oo lagu eedeynayey in uu booliska Majaro habaabiyey oo uu yidhi marxuumadu waxay joogta oo aan ku arkay Magaalada Kalabaydh ee gabiley sidaasi daradeed waxaanu ku xukunay Hal Sanno oo xadhig ah, ayuu yidhi garsooha ku dhawaaqay go,aanka maxakamadda.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *