Hargeysa (ANN)Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa maanta saddex sanno oo Ganaac lacageed oo lix milyan oo Somaliland ah ku xukuntay Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen Maxauud Cabdi Jaamac (Xuuto), ka dib markii lagu helay dacwado kala duwan oo ay ku soo oogeen Taliska Booliska iyo
Wakaallada Korontada Somaliland.
Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen oo dacwadiisu bil ku dhawaad ka socotay Maxkamadda Hargeysa, islamarkaana la dhegaystay dhinacyada dawcada ku soo oogay, ayaa aakhirkii Maxkammadu ku xukumay saddex sanno oo xadhig ah, kaas oo bilaa iib ah iyo weliba ganaax lacageed oo dhan lix Milyan oo shilinka Somaliland ah, ka dib markii Guddoomiye Xuuto ku guul-daraystay keenista caddymo laga dalbaday.
Mr. Xuuto ayaa isla maantaba loo dhaadhiciyey xabsiga, waxaannu hadda ku xidhan yahay Saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa ka hor inta aan loo gudbin xabsiga wayn ee Mandheera.
Xukunka lagu riday Guddoomiyaha Waaheen, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ka dhaca Somaliland, waxaana dacwadu ka socotay maxkamadda isagoo laga dalbaday inuu soo caddeeyo faddeexado uu ka qoray masuulliyinta goobaha aan soo sheegnay, halka xukuumaddii hore aan marnaba weriyayaasha loo ogolayn inay si xoriyad ah maxkamadda iskaga difaacaan eedo loo haysto oo xabsiga uun loo taxaabi jiray.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380