Hargeysa (ANN) Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa xayiraad ku soo rogtay shirkadda isgaadhsiinta TELCOM Somaliland ee xarunteedu tahay caasimadda Hargeysa. Kadib markii sida ay ku sheegtay  qoraalka xiyiraadda maxkamadda heshay  dacwad ay u gudbisay haweenay

 ka mid ah saamilayda shirkaddaa.
Qoraalka amarka  xayiraadda  ah oo ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, kuna taariikhaysan  21kii bishan November 2010, isla markaana ku saxeexan yahay garsoore Siciid Yuusuf Cabdi, ayaa lagu sheegay in shirkadda TELCOM/Somaliland loo xayiray dacwad ay maxkamadda ay u gudbisay mid ka mid ah saamilayda shirkaddaa  oo dalbatay in saamigeedii dib loogu celiyo.
Nuqul ka mid ah qoraalka  xayiraadda ah ee Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku soo rogtay shirkadda isgaadhsiinta telefoonnada ee TELCOM oo ay heshay  shebekada Araweelonews ayaa u qornaa sidan:
“Maxkamadda Gobolka Hargeysa;
Markay aragtay: Galka dacwadda ee lambarkiisu yahay MGH/DFL/160/10 ee ka dhexeeya dhinacyada kala ah; loo fuliye Basra Ismaaciil Xuseen iyo lagu fuliye shirkadda isgaadhsiinta TELCOM/Somaliland;
Markay aragtay: Qaraarka Maxkamadda Gobolka Hargeysa ee summaddiisu tahay MGH/DML/26/2010, soona baxay 04/08/2010, kuna qaraarisay in ballanqaadyadaas sideeda loogu dhaqmo;
Markay aragtay: Qoraalka caddaynta ballanqaadka ah ee ku taariikhaysan 14 June 2010 ee uu Maareeyaha Guud ee Shirkadda TELCOM ku ballanqaadayo inay ku bixinayaan saamiga Basra Ismaaciil Xuseen 15/08/2010;
Markay aragtay: Qodobadda 239, 294 XHM.
Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxay xayiraysaa shirkadda isgaadhsiinta ee TELCOM/Somaliland, sidaa darteed waxay amraysaa in aan la iibin Karin, la kala wareejin Karin ilaa intay ka bixinayaan lacagta ay ku leedahay loo fuliye Basra Ismaaciil Xuseen oo dhan $10,000 USD iyo faa’iidadeedii iyo weliba kharashkii maxkamadda,” ayuu garsoore Siciid Yuusuf Cabdi ku yidhi qaraarka uu ku xayiray shirkadda TELCOM oo ka mid ah shirkadaha isgaadhsiinta ugu waaweyn ee ka jira Somaliland.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *