Hargeysa(ANN)  Mudanayaasha Gollaha wakiilada ayaa si weyn ugu kala qaybsamay mooshin nuxurkiisu yahay in wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka gollaha wakiilada, si ay mudanayaashu fursad ugu helaan in si debecsan loo ridi karo shirgudoonka golaha wakiilada. Fadhigii gollaha

 ee saaka ayaa shirgudoonka loo gudbiyay mooshin ay ku saxseexan yihiin 32 mudane, kaas  oo ay ku dalbanayeen in wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka gollaha, gaar ahaan qodobka tilmaamaya tirada xubnaha loo baahan yahay in la helo marka xilka laga qaadayo shirgudoonka, taas oo markii hore ahayd inay mudanayaasha soo jeedeeya haystaan 55 mudane. Sida ku cad xeer hoosaadka gollaha.
Mooshinkaa ayaa sawaxan iyo buuq ka abuuray gollaha. Kadib markii gudoomiye xigeenka labaad Baashe Maxamed Faarax oo fadhiga gudoominayay ku gacan saydhay inuu qabto mooshinkaa, isla markaana sidaa ku xidhay fadhigii,  balse daqiiqado ka dib waxa dib u furmay fadhigii, iyadoo uu kusoo laabtay gollaha gudoomiye xigeenka labaad oo shirka gudoominayay, waxaana madasha ka  xaadiriyay  magacyada ku saxeexnaa mooshinka xoghayaha guud ee gollahaa C/risaaq Siciid Ayaanle,  taas oo ahayd il-duuf uu sameeyay gudoomiyihu oo ay ahayd inuu isagu xaadiriyo magacyada ku qoran mooshinka, kuwaas oo qaarkood la waayay. Sidaana waxa ku xidhmay  fadhigii maanta ee gollaha oo ahaa mid xaasaasi ah, iyadoo loo balamay maalinta beri.
Mudanayaasha doonaya in golluhu meel mariyo mooshinka ayaa qorshaynaya sidii ay wax ka bedel ugu samayn lahaayeen xeer hoosaadka gollaha, gaar ahaan  qodobka tilmaamaya tirada loo baahan yahay oo ah 55 xildhibaan, taas oo adkaynaysa in si fudud loo bedelo shirgudoonka, halka ay doonayaan in tiradaa la yareeyo si  ugu suurta gasho in si fudud loo bedelo shir gudoonka.
Hase yeeshee xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka ayaa ku doodaya in aanay haboonayn in qodobkaa wax ka bedel lagu sameeyo, taas oo ay ku tilmaameen mid horseedi karta in hogaanka gollaha iyo hawlihiisu galaan fawdo, isla markaana ay  taasi  horseed u noqon karto in  kooxdii cadhootaaba soo gudbiso mooshin lagu ridayo shirgudoonka. Sidoo kale  mudanaaysha ku doodaya in la joojiyo mooshinku  waxay diidmada talaabadaa ku salaynayaan in gollaha wakiilada oo maalmo ka hor ansixiyay xeerka  kala xadaynta mushaharooyinka madaxda qaranka oo ay mushaharooyinka ku kordhisteen, isla markaana dadweynhu isha ku hayaan in aanay bilaabin muran iyo khilaaf cusub, balse ay ummada u shaqeeyeen oo mudada loo kordhiyay aanay ku mashquulin danohooda. Sidaa awgeed waxay mudanayaasha mooshinka kasoo horjeedaa ku doodayaan inay talaabada noocan ah ee mooshinka xiligani gollaha u keeni karo bur-bur iyo dhaawac siyaasadeed oo galaafta gollaha wakiilada.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in gudoomiyaha gollaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan  uu maanta soo dhexgalay muranka u dhexeeya mudanayaasha ee ka dhashay mooshinkaa, balse kulamada uu gudoomiye saleebaan la yeeshay dhinacyada ayaan ilaa hada waxba kasoo bixin, iyadoo muranka iyo khilaafka ka dhashay mooshinku kusoo beegmay xili ay gudoomiyihii iyo gudoomiye xigeenkii gollahaasi ay safar debeda ah dalka kaga maqan yihiin, isla markaana Isniintii todobaadkan ay kordhisteen mushaharkooda, taas oo si weyn uga cadhaysiisay Bulshada.
Si kastaba ha ahaatee mooshinka xiligan koox mudanayaasha ka mid ahi gollaha usoo gudbiyeen ayaa abuuray dareen xaasaasi ah, isla markaana waxa muuqata inay mudanayaasha dabada ka riixiyaa  ku adkaanayso inay meel mariyaan mooshinkaa, maadaama ay adagtahay inay helaan 55 xildhibaan si wax looga bedelo xeer hoosaadka gollaha. Kadibna ay ugu  gudbaan qodobka ay doonayaan ee qeexaya qaabka loo ridayo shirgudoonka. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *