Hargeysa(Araweelo News Network) Taliyaha Guud ee ciidanka qaranka Ka hadlay Cutubyo ciidanka Qaranka Somaliland, Sarreeye Gaas Ismaaciil

Maxamed Shaqale ayaa warbixin kooban ka bixiyay hawlaglka Ciidanka Milateriga Somaliland saaka ku fuliyeen Tuulada Saaxdheer oo ahayd fadhiisinkii u danbeeyay ee Kooxda Cali Khaliifa Galaydh ee Khaatumo.
Saaxdheer oo  qiyaastii 80KM dhinaca Koonfur galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood, waxa la filayay saaka in ay ka qabsoonto xaflad caleemo saar ah oo la doonayay in Cali Khaliif loo qabto, taas oo ay ka qaybgelayeen Xildhibaano ka socda Dawlada Federaalka iyo dad kale oo marti u ahaa, balse waxa saaka waaberigii weerar ku asqeeyay Cutubyo ka titsan ciidanka qaranka Somalialnd, kuwaas oo kala eryay kooxdii isugu timi munaasibadaa oo aan weli qabsoomin.

Hawlgalka ciidanka Qaranku fuliyeen Saaxdheer,  waxa dirqi kaga badbaaday Prof. Cali Khaliif Galaydh oo isaga iyo xubno maamulkiisa ka mid ahi u baxsadeen dhinaca dalka Ethiopia oo ay xuduudkiisa ku taal tuulada ay ku sugnaayeen ee Saaxdheer.

 

Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas, Ismaaciil Shaqale, ayaa sheegay in ciidankiisu qabqabteen maxaabiis fara badan oo ay ku jiraan siyaasiyiin ka mid ahaa martida lagu casuumay caleemo-saarka iyo maleeshiyo tiradoodu badantahay oo ka mid ah kooxda nabad-diidka Khaatumo.

Taliyaha guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale, ayaa sheegay in khasaaraha ciidanku yahay mid sahlan, isla markaana ay  kuna guulaysteen hawlgalkooda, isagoo yidhi, “Ilaahay fadligii saaka 5:30am ayaa cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland ay hawlgal ka bilaabeen agagaar Saaxdheer, Cali iyo wixii uu watayba qof qof daymooday may yeelan, waxayna noqdeen wax siigo noqday iyo wax kabihii dirqi ku haleelay, meel ay jaan iyo cidhin dhigeena lama hayo. Waxaanna noogu dambaysay markii ay 30km ay gudaha u galeen xadka Ethiopia tuulo ku taal oo la yidhaa Como inuu sii jibaaxayay isagoon dib u soo eegin raggiisii iyo wixii uu meesha ku urusanayey.” Ayuu yidhi Taliye Shaqale, wuxuuna dhinacooda sheegay in lab aka mid ah Ciidanka Qaranka ku geeriyoodeen hawlgalkaa oo ay laba kalena ku dhaawacmeen.

Taliye Shaqale ma sheegin tirada rasmiga ah ee maxaabiista iyo ragga kale ee siyaasiyiinta ah ee ay qabteen, wuxuuna xusay in ay gadaal kasoo sheegayaan, balse warar  shebekada wararka Araweelo News Network heshay ayaa sheegaya in maxaabiistaa galabta lasoo dhaafiyay Magaalada Oog, isla markaana tiro gaadhsya tobaneeyo dhinaca magaalada Burco loo soo gudbiyay, kuwaas oo ay ku jiraan laba xubnood oo ka mid ah ergooyinki doortay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *