Gaalkacayo(Araweelo News Network)Hogaamiyihii kooxda Khaatumo ee nabaddiidka, Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa gaadhay

 

magaalada Gaalkacayo ee badhtamaha Somalia. Kadib markii uu saaka ka cararay Tuulada Saaxdheer ee dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan Laascaanood qiyaastii 80km.

Sida ay shebekada wararka ee Araweelo News Network ka heshay warar laga kalsoonyahay Prof. Galaydh ayaa gaadhay maanta gelinkii danbe Gaalkacayo, halkaas oo uu orod ku galay. Kadib markii Ciidanka Qaranka Somaliland weerar ku asqaysiiyeen saaka deegaanka Saaxdheer oo ay u qorshaysnayd inuu ku qabto xaflad la doonayay in munaasibad ku saabsan doorashadii hogaanka Khaatumo loo doortay lagu maamuuso.

Wararka la xidhiidha Galaydh, ayaa sheegaya in  ay weheliyeen qaar ka mid ah Malayshiyadiisa iyo kooxda uu madaxda u yahay, balse lama ogga inuu Galaydh taageero iyo hub soo urursanayo oo dib usoo laabanayo iyo in kale, balse waxa jira warar sheegaya inuu ka dalbaday dhinaca Magaalada Muqdisho in loo soo diro Diyaarad si uu dhinaca Muqdisho uga sii gudbo Nairobi,

Prof. Galaydh, ayaa marar hore ku faanay in aanu cabsi ka qabin Ciidanka Qaranka Somaliland, isla markaana uu dagaalamayo haddii loogu yimaado deegaanka Saaxdheer, wuxuuna dhawr jeer ku celceliyay in joogaataankiisa Saaxdheer oo ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia uu taageero kaga haysto Dawlada Ethopia, balse waxa weerarka ugu danbeeyay ee ciidanka Somaliland ka fuliyeen saldhigiisii u danbeeyay meesha ka saaray awoodii ciidan uu ku faanayay iyo taageeradii dawlada Ethiopia, taas oo sababtay inuu lafihiisa la baxsado, isagoo Orodkii ku galay Gaalkacayo.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *