Hargeysa (ANN)-Masuuliyiin ka tirsanaa Xisbil-xaakimka UDUB  oo xilal kala duwan ka hayay, ayaa sheegay  inay iska casileen xilalkii ay Xisbiga UDUB ka hayeen, ka dib markii uu Xisbigoodu noqday mid sii hagaasaya,taladiisa ciyaaryahaniin aanay garanaynini la wareegeen, ama gacanta ku dhigeen talada xisbiga.

 

 

 

Masuuliyiintan oo maanta kulan ay kaga dhawaaqeen is casilaadooda ku qabtay Huteelka Summer  Time  ee Magaalada Hargeysa waxa hormuud u ahaa Xildhibaan Yuusuf Kirix oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, Xoghayihii Difaaca iyo nabadgalyada Xisbiga UDUB Cabdillaahi Maxamed Jaamac (C/llaahi Carray),Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga Arrimaha Bulshada UDUB Axmed Cismaan Aw Cabdi, Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga dhaqaaha Xisbiga UDUB Xasan Abiib Maxamed, Farxaan Daa’uud oo ahaa xubin golaha dhexe ee UDUB ka tirsan iyo xubno kale oo fara badan oo isugu jira kuwo golaha dhexe ee UDUB Xubno ka ahaa iyo kuwo wakhtigan xilal ka hayay UDUB.

 

 

 

 

 

 news: DSC06786.JPG

 

 

 

 

 

Xubnahaa oo xafladooda ay ka qaybgaleen haween iyo dhalinyaro ah ayaa kulankaa kaga celceliyay   inay  si rasmiya isaga  wada casileen xilalkii ay ka hayeen xisbigaa. Balse waxay ku doodeen inaanay UDUB ka bixin ee ay Xisbiga dhexdiisa ku dagaalamayaan siyaasad ahaan.

Xoghayihii difaaca iyo nabadgalyada Xisbiga UDUB Cabdillaahi Maxamed Jaamac (C/llaahi Carray) ayaa  kulankaa ka hadlay wuxuuna isagoo ka hadlaya sababta is casilaada kooxdooda yidhi; “Xisbigayagii UDUB, Xisbigii uu ahaa maaha, Xisbigii wuu isbeddalay, meel uu ku socdana ma garanayno. mawaxaad aragteen koox kooxdaadii ah, oo garammadaadii ku ciyaaraysa oo aanad haddana dadka kubbadda kuu ciyaaraya aanad midh ka garanaynin. Xisbigii UDUB sidaas ayuu noqday oo dadka maanta wata qof annagayagaasi UDUB ahi ka garan mayno. markaa Xisbigii UDUB sidii Riwaayaddii aw Bustaale ee ay ku jirtay Sheekhi wuu hagaasay, hagaasay, sii hagaasay, dabadeedna wuu dhamaaday  weeye  UDUB-na  Wuu hagaasay  oo inuu kidinka ka baxo keliya ayaa  u hadhay.”

Wuxuuna isagoo ka hadlaya mudadii uu xilka hayay xisbigaa iyo mawqifkiisa maanta yidhi, “Xilkii aan UDUB ka hayay ee xoghayaha nabadgalyada iyo difaaca intaan hayay dambigii aan ku galay Illaahay hayga saamaxo, inta dambena laga bilaabo maanta oo ay bisha May 29 tahay, waan iska casilay. UDUB-na kamaanaan bixin ee dhexdeeda ayaannu ku dagaallamaynaa. Waxaannu noqon gaadhay sidii Saddaam Xuseen oo Ciraaq dabaabaad iyo Hub khatar ah ayay haysatay, markii isbahaysigu soo galay meel ay mareen ciidamadii khatarta ahaa iyo Dabaabaadkii Ciraaq waa lawaayay, wuxuunbaynu aragnay Saddaam oo god lag soo saaray oo aan la garanayn oo ilkihiisa toosh lagu hayo oo la leeyahay Saddaam ma yaha mise waa nin kale,imaka marbaa la odhan gaadhay waar ninkani Carray ma yahay inta toosh afka nalagaga qabto. Inta maanta UDUB hor ordaysana waxaan u sheegayaa inay Sidaa Saddaam inta god laga soo saaro la arki doono iyada oo Toosh afka lagaga hayo….”

Sidoo kale Xildhibaan Yuusuf Kirix  oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Golihii dhexe ee ugu horreeyey ee Xisbiga UDUB yeesho, ka dibna ka mid noqday mudanayaashii Golaha deegaanka ugu tartamay UDUB ee guulaystay, waxaanu sheegay inuu maanta laga bilaabo iska casilay xubinnimadii golaha dhexe ee UDUB. “Laga bilaabo maanta waxaan iska casilay xubinnimadii golaha dhexe ee Xisbiga UDUB oo aan aasaasayaashii seeska u dhigay ka mid ahaa. ka dib markii hore iyo dib midna u socon-waayay, siyaasaddiisina noqotay mid ka duwan tii Xisbigaas aanu u ku dhisnay.” ayuu yidhi Xildhibaan Yuusuf Kirin.

 

 

 

 

Guud ahaan xubnaha magacyadooda kor aynu ku xusna, ayaa iyaguna si mid mid ah ugu dhawaaqay iscasillaaddooda, shaaciyeyna inay xisbiga udub xilalkii ay ka heyeen iska casileen Sabtida maanta oo ay bisha May tahay 29. Sidoo kale, waxa iyaguna halkaa kaga dhawaaqay  inay is casileen qaar ka mid ah Garabyada  Haweenka iyo Dhalinyarada Xisbiga UDUB ee heer Degmo, Xoghayayaal iyo Guddoomiye Waaxeedyada Degmooyinka Caasimadda Qaarkood. Xubhana is casilay ayaa  sheegay inay leeyihiin  taageerayaal  badan oo kala jooga Gobollada  Dalka, sida  Sool.Sanaag, Togdheer iyo Hargeysa.kuwaas oo sida ay sheegeen  ay marar badan oo hore u sheegeen been, Basle  ay xaqiiqadu tahay maanta mida hortaalla ee ku  kaliftay inay is casilaan. Kadib  markii ay dadkaa iyo danohooda gaarka ah iyo tii  Xisbiga midina ka muuqan wayday  xisbiga UDUB dhexdiisa. Iyagoo xusay inay  dhowaan shaacin doonaan halka ay dhigayaan lafahooda iyo ummadda ay masayrkooda siyaasadeed masuuliyaddu ka saaran tahay.

Hase yeeshee xubnahaa ayaa qaarkood mudooyinkii u danbeeyay dhinaca Xisbiyada mucaaridka usii durkayeen, iyagoo dhaliilo iyo canbaarayn dusha uga tuurayay Xisbiga UDUB ee ay ka tirsanaayeen ka hor intii aanay maanta kaga  dhawaaqin  kulankaa inay iska casileen xilalkii ay u hayeen.   

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office

E-mail; Info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *